Xaaladda Somaliland oo lagu sheegay dhamaadka ‘filimkii ICTIRAAF raadinta’

Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa maanta ka hadlay markii u horeysay xaalka Somaliland, oo uu sheegay in uu marayo meeshii ugu xumeyd abid.

Cali Guray ayaa sheegay in gud ahaanba ay fashilmeen nidaamkii xisbiyada iyo doorashooyinka Somaliland, midaasi oo uu ku tilmaamay mid rabitaankii Somaliland ka dhigeysa filim dhamaaday oo lagu kala tagay madax-banaanideedi.

Siyaasigan ayaa si adag u dhaliilay hogaaminta Madaxweyne Biixi, isagoona xusay in Somaliland ay ku sii socoto mustaqbal madow, kaasi oo ka dhalanaya doorashooyinka aan qabsoomin ee mudo dhaafay.

Siyaasi Cali Guray oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Waxaan ka mid ahay inta reer Somaliland rumaysan in nidaamkii xisbiyad badan iyo doorashooyinka tooska ah ay gabi ahaanba fashilmeen, nidaamkaasna waxaynu soo wadnay tan iyo wakhtigii aan dastuurka u codaynay, tobankii sanadood ee hore itaal aynu doonaba aan lahaanee hore ayuu u socday haduu doono haba gaabiyee, tobankan sano ee danbena waxaan ku jirnay burburintiisa nidaamkaas doorashooyinka iyo xisbiyada badan”.

“Hada waxan jira ee aan xisbiyo ku sheegayno in aanay xisbiyo ahayn ee lufankii xisbiyada ka hadhay uu yahay waa la og yahay, doorasho Somaliland ka dhacaysa oo danbena ma jirtaba  aniga xagayga, hadii laga tagi waayo waxa wax laga wad-wadi karaa doorashooyin gollaha deegaanka ah oo aan la garanayan wakhtiga ay dhacayso, mana jirto doorasho ka qabsomeysa Somaliland”.

“Somaliland 2022-ka mustaqbalkay ku socotaa waa madow. Reer Somaliland waxay ku socdaan meel aan la garanayan markaan ku leeyahay wax doorasho ah ma dhacayaan waxii aan ku wada joognay waa waxii aan ku heshiinay ee dastuurka iyo sharciga ku qoran tii markay isa soo xidho anigu ma garnaayo waxa ka danbeeya, mar waxaan is idhaahdaa waa dhamaadkii Somaliland oo waxyanu ku jirnayba filin buu ahaa filimkana hadii ‘The End’ uu soo baxo dadku kuraasta iskama fadhiyaan ee kadimadaa la boobaa oo labadii is agfadhiyay ayaa midna kadinka waqooyiga ka baxaa midna kadinka koonfurta”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Maanta waxa leh in la kala adkaado danaysiyada gaar ah, waxan laysku haysta oo dhami maaha dan guud, maaha Somaliland iyo wanaageeda, markaas inta danta guud ay danta gaarka ah mudnaanta ka leedahay Somaliland hoos ayuunbay u sii soconaysaa.”

“Masuulka koowaad ee qaranku sow ma jiro, waxa alle iyo waxii ka xumaada dalka isaga ayaa alle qiyaamaha la waydiinayaa  imikana masuul ka ah,waxii u wanaagsanaadana isaga ayaa ajarkeeda leh, looma sinaan karo, isaga ayay u taalaa inuu dan yar oo gaar ah ku mashquulo iyo  inuu umadiisa midaysto”.