Sawirro: Taliyaha ciidamada cirka SOMALIA oo booqday xarunta ciidanka cirka Pakistan

Islamabad (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya Jeneral Maxamed Sheekh Cali ayaa maanta booqday xarunta taliska ciidamada cirka Pakistan ee magaalada Islamabad.

Jeneral Maxamed ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxa ciidamada cirka Pakistan Mujahid Anwar Khan.

Mas’uuliyiinta labada dal ayaa ka wada hadlay xiriirka wada-shaqeynta iyo danaha ka dhaxeeya, intii uu socday kulan ay yeesheen.

Taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya ayaa ammaanay taariikhda guulaha leh ee ciidamada cirka Pakistan, wuxuuna qiray horumarka ay sanadihii dhowaa sameeyeen.

Taliyaha ciidamada cirka Pakitsan Mujahid Anwar Khan ayaa taageero, wada-shaqeyn iyo tababar u ballan-qaaday ciidamada cirka Soomaaliya.

Labada taliye ayaa ugu dambeyn isla gartay in laga shaqeeyo sidii loo sii hormarin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ciidamada cirka ee labada dal.