Lacagta doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/21 ku baxaysa oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Lacagta ku baxeysa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/21 ayaa markii ugu horreysay shaaca laga qaaday, xilli lagu wado in bilaha soo socda la guda galo diyaar garowgooda.

Wargeyska The Article ayaa qoray in guddoomiya guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaaliya Xaliimo Yarey ay Golaha Ammaanka QM u sheegtay in doorashooyinka ay ku bixi doonto lacag dhan 53 milyan oo dollar, haddiiba la qabto.

Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa in markii ugu horreysay ay noqoto mid qof iyo cod ah, hase yeeshee illaa iyo hadda ma cadda sida loo fulin doono, halka laga qaban doono, iyo cidda ka codeyn doonta.

Dhinaca kale, ma cadda cidda bixin doonta lacagta ku baxeysa doorashada, ayada oo ay caddahay in dowladda Soomaaliya aysan hayn, hase yeeshee waxaa la filayaa in dalalka caalamka ay gacan ka gaystaan.

Machadka daraasaadka ee Heritage ayaa warbixin uu soo saaray bishii July 2019 ku sheegay inay u badan tahay in doorasho qof iyo cod ah aysan Soomaaliya ka dhicin sanadkan.

Machadka ayaa sababaha ku sheegay; dowladda oo aan haysan maal-gelin ku filan, amniga oo aad u xun, iyo muranka xooggan ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo weli aan xal loo helin.