25 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Kenya oo war ka soo saartay Soomaaliya, iyo la-macaamilka Jubaland iyo Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa mar kale adkeysay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, iyada oo si gaar ah u muujisay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal oo ku saleysan taariikh wadaag iyo kalsooni la isla qabo.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Soomaalida Dibadda ee Kenya ayaa lagu yiri, “Kenya waxa ay si cad u aqoonsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, taasoo ah hay’adda kaliya ee sharciyeysan ee mas’uulka ka ah maamulka arrimaha dalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira gobolladeeda.”

Kenya ayaa sheegtay in mowqifkeedu ku saleysan yahay dhowrista mabaa’diida caalamiga ah ee ku xusan Xeerka Qaramada Midoobay, Axdiga Ururka Midowga Afrika, iyo Heshiisyada iyo Xeerarka Bulshada Bariga Afrika — kuwaas oo dhiirrigeliya faragelin la’aanta iyo xallinta khilaafaadka si nabadeed.

“Xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya waxa uu ku saleysan yahay xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaxal dhaqameed la wadaago, iyo xigaalnimo sii jirta,” ayuu yiri war-saxaafadeedka, isaga oo intaa ku daray in saldhigyadan ay weli hagaan himilooyinka labada dal ee ku aaddan “nabad, amni, iyo horumar waara oo gobolka ah.”

Kenya waxay sidoo kale sheegtay in ay Soomaaliya u aragto “xulafo istiraatiiji ah” oo ay la wadaagto yoolalkaas, waxayna markale caddeysay sida uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ku dhisan “kalsooni, ixtiraam madax-bannaani, iyo ilaalinta midnimada dhuleed.”

Iyadoo Soomaaliya sii waddo dadaalladeeda ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo horumarinta hay’adaha, Kenya waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto geeddi-socodkaas “iyadoo loo marayo wadahadal joogto ah, iskaashi goboleed oo sii xoogeysanaya, iyo xiriirro iskaashi oo labada dhinacba dan u ah.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto xiriirka ay la leedahay dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Somaliland, isla markaana — iyadoo la kaashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya — ay kala shaqeyn doonto sidii loo dhisi lahaa xiriir iyo joogitaan diblomaasiyadeed “sida waqtiyada la isku raaco.”

Dowladda Kenya ayaa intaa ku dartay in ujeeddada arrintani tahay “in la taageero iskaashiga amniga iyo danaha ganacsi — iyadoo la ilaalinayo mabaa’diida ixtiraamka labada dhinac iyo deris wanaagga.”

Jubaland iyo Somaliland

Bayaanka Kenya ayaa yimid iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan gobolka ee la xiriira Jubbaland iyo Somaliland.

Jubaland, oo ah dowlad-goboleed ka tirsan Soomaaliya kuna taalla koonfurta dalka, ayaa dhowr jeer gashay khilaafyo siyaasadeed oo la xiriira dowladda dhexe, gaar ahaan kadib markii mar kale dib loo doortay Axmed Madoobe inuu noqdo madaxweynaha maamulkaas.

Kenya ayaa horey loogu arkay inay xiriir dhow la leedahay hoggaanka Jubaland, taasoo sababtay khilaaf diblomaasiyadeed oo kala dhexeeyay Muqdisho. Xiisadda Jubaland ayaa muujisay caqabadaha weli ka taagan habka federaalka, madax-bannaanida gobollada, iyo sida awoodda loo qaybiyo gudaha nidaamka maamul ee dalka.

Dhanka kale, warka dowladda Kenya ayaa imanaya ayada oo maanta uu Nairobi booqasho ku tegay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, oo doonaya inuu xariga ka jaro dhismaha cusub ee xafiiska Somaliland ee Nairobi. 

Xiriirka Kenya iyo Somaliland ayaa sannadihii la soo dhaafay si tartiib ah isu beddelay, isagoo noqday qayb ka mid ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagu ballaarinayo xiriirrada gobolka.

Sanadkii 2019, Kenya waxay u dirtay ergey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland si loo dhiso xafiis diblomaasiyadeed, kadib wadahadallo heer sare ah oo labada dhinac dhex maray. Talaabadaas ayaa loo fasiray in ay tahay mid lagu xoojinayo ganacsiga iyo iskaashiga labada dhinac, inkasta oo Somaliland aan weli si rasmi ah loo aqoonsan.

Bishii December 2020, Kenya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen in la furo qunsuliyad Kenyan ah oo ka howl-gasha Hargeysa, iyo in la bilaabo duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Nairobi iyo Hargeysa — taasoo muujisay xiisaha sii kordhaya ee Kenya ay u qabto xiriir dhow oo ay la yeelato gobolkaas is-go’ay.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo si cad u muujineysa taageerada ay u hayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya waxay markale xoojisay sida ay uga go’an tahay midnimada Soomaaliya — xitaa iyadoo aqoonsan tahay xaqiiqooyinka adag ee la xiriira nidaamka maamul goboleedyada iyo hay’adaha hoose ee dalka.

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News