28.3 C
Mogadishu
Sunday, April 12, 2026

Xog cusub oo aan horey loo ogeyn oo laga soo saaray weerarkii West Gate

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Afar ruux oo kamid aheyd dadkii weeraray dhismaha Westgate ayaa la sheegay in dalka Kenya ay kasoo galeen dhanka dalka Uganda, iyagoo aan soo raacin wax gaari ah oo lugeynaya.

Labo kamid ah afartaasi waxaa lagu kala sheegay Maxamed CabdiNuur iyo Xasan Cabdi Dhuxulow, waxaana booliska ay xaqiijiyeen in Dhuxulow oo 28 sano jir ah uu ahaa ruux heysta dhalashada dalka Norwey.

Hayada Dambi baarista ayaa u dirtay dowlada Uganda inay su’aalo weydiiso wade taxi kaasi oo la sheegay in afartaasi ruux uu kasoo qaaday garoonka diyaaradaha Kampala ee Entebbe airport islamarkaana uu keenay xuduuda dhanka Malaba, iyagoo kadib lugta ku galay dalka Kenya, sida CID-da Kenya ay sheegtay.

Booliska ayaa la sheegay inay ka hortagaan cadeymaha ku wajahan wadaha Taxi ee u sahlay dadkaasi inay soo galaan dalka Kenya.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in afarta ruux ee weeraray dhismaha Westgate inay ka tageen dalka Soomaaliya ayna ku galeen Kenya diyaarad deegaanka bishii June 22 ee sanadkaan iyagoo diyaarada lagu joojiyay garoonka JKIA, iyadoo dadkaasi ay dileen 67 ruux oo ku sugnaa dhismaha Westgate.

Hayada amaanka ee booliska Uganda ayaa sheegtay Talaaladii lasoo dhaafay inay xaqiijinayaan in mid kamid ah dadkii weerarka ka geystay Kenya uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo Norwey ku sugnaan jiray.

Horaantii bishaan afar ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo eedeeyay weerarkii Westgate iyadoo lasoo taagay maxkamad, waxaana ay kala yihiin Mohammed Ahmed Abdi, Omar Liban Abdulle, Adan Mohammed Ibrahim iyo Hussein Hassan Mustafa iyadoo ay beeniyeen dambiyadii loo heystay.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News