Kenya oo weli fulin qodob muhiim u ah heshiiskii labada madaxweyne iyo diblumaasiyiin ku xiran Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 qof oo ay ku jiraan Diplomaasiyiin iyo hawladeednoa ka tirsan dawladda ay ku xiran yihiin garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta.

Diblumaasiyiintaasi iyo shaqaalaha ka tirsan dowladda ee ku xiran Jomma Kenyatta ay kasoo duuleen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku safrayay Paasaboorka diblumaasiga iyo kan shaqaalaha, loona diiday in dal ku galka “Visa” loo diiday.

Dadkaan oo badankood la xiray maalintii arbacada ayaa, kadib markii dowladdaha Kenya iyo Somalia ay heshiis ku gaareen in dadka ku safraya paasaboorada diblumaasiga iyo kan shqaalaha dowladda ay safri karaan viiso la’aan, garoonkana laga siiyo.

Dadkaan ayaa maanta la filayaa in maanta lasii daayo, iyadoo dib loogu celinaayo magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa well si rasmi ah u wada dhaqan gezin heshiisyadii horay u dhax maray madaxweyneyaasha labada dal ee Uhuru Kenyatta iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo heshiiskaan dhameystirkiisa lahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com