Sawirro: Juxa oo si weyn looga soo dhaweeyey Cadaado iyo ujeedka uu halkaas u tagay

Cadaado (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa hadda gaaray magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamul Galmudug.

Wasiirka ayaa hoggaminayey wafdi isugu jiray wasiiro, Xildhibaano, Saniteero, wuxuuna halkaas u gaaray si uu wadatashi ula yeelan lahaa Madaxda galmudug, Maadama ay socoto qaban qaabo ku aadan Doorashada madaxweynimo ee Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Xaashi, Guddoomiyaha Baarlamaanka,  Ku xigeenkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Wasiiro.

Madaxweynaha Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ka dhawaajiyey inay farxad weyn in watay in safarkii ugu horeeyey ee uu sameeyo wasiirka Arrimaha gudaha uu noqday midka uu Maanta Cadaado ku imaaday, wuxuuna tilmaamay inay wadatashi sameyn doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa oo isna halkaas saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inuu safarkiisii ugu horeeyey ku tago Cadaado isagoo ah wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay inuu Cadaado u imaaday si uu wadatashi iyo xog kala qaadasho ula sameeyo Madaxda Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay sidoo kale inuu Cadaado ku joogi doono safar laba maalin ah, isagoo ka dhawaajiyey inuu ka xun yahay abaarta ku dhufatay Soomaaliya oo saameyn weyn ku yeelatay deegaanada Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa safarkaan ku wehliyey Xildhibaan aad u badan oo isugu jiro aqalka sare iyo kan hoose, waxaana ka xusi karnaa Cabdi Xasan Cawaale  Qeybdiid, Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Dhagey iyo Xildhibaano badan.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu Madaxd Galmudug kala hadlo arrimaha ku aadan Doorashada iyo sidii dib loogu dhigi lahaa, waxaana muuqato ififaalo muujinayo inay dowladda ku guuleysan doonto arrimaha ay Cadaado u timaaday oo ay usoo wakiilatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo wafdigiisa.

Wafdiga Wasiirka uu hoggaaminayey ayaa la geeyey Xarunta Madaxtooyada Galmudug halkaas oo uu hadda ka socodo kulan Albaabada u xiran yahay oo u dhaxeeyo Wasiirka iyo Madaxda Galmudug