Xog: La xisaabtan la’aanta hay’adda qandaraasyada Puntland oo fadeexad dhalisay

Gar owe (Caasimada Online) – Qoraal todobaadkii hore Caasimada Online lagu daabacay {HALKAN KA AKHRISO} oo ka hadlayay fadeexadda iyo laaluush qaadashada hay’adda qandaraasyada Puntland ayaa waxaa ina soo gaaray fariimo u badan dad ka cabanaya hay’addaas.

Fariimaha nala soo gaarsiiyay ayaa waxay ka hadlayaan ku takrifalka iyo laaluushka hay’addaan oo aysan jirin la xisaabtan la marsiiyay, waxaana la caddeeyey inay inta badan lacagaha lunsadeen  Xoghayaha hay’adda qandaraasyada, Cabdiqani Dhaashan, Xisaabiyaha maaliyada gobolka Nugaal iyo guddoomiye kuxigeenka Cashuuraha Bariga.

Dacwad horay loogu gudbiyay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa waxay sheegeen aqoonyahano iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Gaas inaan waxba laga qaban dacwadahaasi, madaxweynuhuna uu wax ka og yahay musuq maasuqa hareeyay hey’adaas.

Ku dhaqan la’aanta iyo sharci jabinta guddoomiyaha hay’adda qandaraasyada Puntland ayaa waxay hay’adda ka dhigtay in shaqsiyaad gaar ah ay sidii ay doonaan ka sameystaan.

Gudoomiyaha wxuu jabiyey sharciga dawladda iyo kan caalamigaba, waxaana su’aal ka taagan tahay nin aan ka shaqayn Hay’adda Qandaraayada oo shir ka dhacayo South Africa oo World Bank ku marti qaaday Gudoomiyayaasha Hay’addaha Qandaraasyada Puntland, Somaliland iyo mas’uul ka socda Dawladda Federalka ah.

Mas’uuliyiinta hay’adda qandaraasyada PL ayaa dhexdooda khilaaf iyo isqabqabsi uu ka dhex jiraa, kuna saabsan awooda dheeriga iyo xisaab la’aanta hay’adda ka dhex jirto, cid walbana meeshii uu kasoo gaaro howsha ka qabsanayo.

Lacago si sharci daro loo qaaday iyo dhaqaale kale oo soo galay ayaa ilaa hadda la la’yahay qaabka loo maamulay iyo meelihii ay ku baxeen.

Waxaa idiin soo gudbineynaa documentiyo iyo caddeymo kale oo ku saabsan fadeexadda iyo ku takrifalka hay’adda qandaraasyada Puntland dhex fadhido iyo aqoonyahano ku baaqayo in sharciga la horkeeno shaqsiyaadka hay’adda ka dhigay inay iyaga leeyihiin oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com