Kenyatta oo shaaciyey in Kenya rabto in ay khaat ku bedelato kaluunka Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa isaga oo ka qeyb galayay shirkii Dhaqaalaha Badaha wuxuu kormeeray goob lagu soo bandhigay Wax soo saarka Soomaaliya, Waxaana uu Yiri Hadal Kaftan iyo Dhab ka ahaa.

Wuxuu kasoo muuqday muuqaal ay baahisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya oo loogu sharaxayay kheyraadka Soomaaliya, waxaana masuul ka tirsan wasaaradda ganacsiga uu yiri “Waxaan rabnaa in kalluunka Soomaaliya loo iib keeno Kenya”.

Kadib waxaa hadalka qaatay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta waxaana uu yiri “Haa kalluunka Soomaaliya waan soo dhoofsanaynaa, idinkuna khaadka naga dhoofsada”.

Waxaa jiro warbixino sanad walbaa lasoo saaro oo lagu sheego in shirkado shisheeye ay gurtaan kalluunka badda Soomaaliya, haddana waxaa la sheegaa inay jiraan tiro yar oo ganacsato Soomaali ah oo Kalluunka u iib geeya Kenya.

Ganacsato Soomaali ah ayaa sanadkii  lasoo dhaafay laga soo xigtay in magaalada Mombasa ee dalka Kenya u iib geeyeen 47 tan oo kalluun ah.

Hadalka madaxweyne Kenyatta ayaa u muuqda mid dhab ah , maadaama Soomaalida ay Khaat kala yimaadaan dalka Kenya, iyadoo Kenya ay geeyaan dhaqaalo badan iyo Kheyraadka dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com