Khadra Ducaale – Wasiirkii hore ee ganacsiga “Laba sano ka badan ma aqrin xaqiiqda Kheyre” (Faallo)

Waxaan ku jiray aamusnaan sharaf ku dheehan tahay muddada ugu dheer marka laga hadlayo Xasan Cali Kheyre.

Maadaama uu raadracayo tayada hoggaamiyaasheennii 1960kii. Aniga waxaan ka soo jeedaa qoys waddaniyiin ah. Aabahay wuxuu ahaa, yahanya waddani Soomaaliyeed oo la xushmeeyo, ahna hoggaamiye qaran oo dhab ah. Waxaanu nahay dad waxbartay, waddaniyiin ah, hal qof oo qoyskeenna ka mid ahna weligiis laguma soo eedeyn musuqmaasuq iyo qabyaalad (ruux jecleysi).

Waayo-aragnimadeyda shaqo, waxaa jira labo Xasan Cali Kheyre oo kala geddisan – Mid jeediya hadallada ubexeysan (macaan), oo ugu khudbeeya Soomaalida dib u heshiisiin, la dagaalanka qabyaaladda, ruux tooxsiga iyo musuqa.

Sida xaqiiqda ah, waa isaga kan ugu bahdillaada badan, is qaad-qaad badan, qabyaaladeyste iyo masuulka dowladeed ee ugu musuqmaasuqa badan, jecelna khiyaameynta iyo ku gardaroodka.

Wuxuu xushmad dilaa Ra’isul Wasaare ku Xigeenkiisa, wasiiradiisa, Xildhibaannada, wuxuuna aad ugu raaxeystaa markay jiraan dad dhageysanaya si uu ugu markhaati-geliyo gardarradiisa.

Sida daacadda ah, waxaan u bandhigay is casilaadeyda markaan ogaaday in qiyamkeena aanu isku meel u jeedin. Wuu iga diiday, wuxuuna igu booriyay inaan dib uga fiirsado waayo dalka ayaa u baahan hibadeyda. Markaan isla oggolaanay inaan si dhow u wada shaqeyno, wuxuu farxadiisa ka heley inuu xilka iga qaado 4am (saqdii dhexe), wuxuuna eedeeyay Madaxweynaha.

Nasiib wanaag, ka sokow in shaqada indhaha dadweynuhu ku jeedaan la iga fariisiyay, waxaan si gaar ah u heley inaan ka nastay fadhiga 5ta saacadood ah ee la dhex fadhiyo Golaha Wasiirada oo uu ula hadlo si xadgudub ah, kulana hadlo ereyo qiimo liidis ah oo kala bar been tahay.

Wuxuu nala wadaagi jiray xog been ah oo la soo allifay markastuu doono inuu ceyriyo masuuliyiinta sare, wuxuuna dhiirigaliyay dhiibista saraakiisha Soomaaliyeed iyadoo sal looga dhigayo warar been ah si uu u helo codadka “NACAMTA”.

Nasiib darro, waxay ahayd goor dambe markaanu ogaanay in nala isticmaalay. Wuxuu maroorsadaa wax kasta oo uu is leeyahay inuu ku dhibaateyn karo nooc kasta oo horumar ah. Wuxuu abuuraa xaalado uu isku qaniinsinayo (isku dir) wasiiradiisa dhexdooda – farsamadii duqowday ee qeybi oo xukun.

I aamin, waxay ii ahayd nabar iga fuqay in la iga qaado booskeyga. Talada kaliya ee uu i siiyay waxay ahayd, muddadii halka sano ahayd ee aan la shaqeynayey, inaan aaminin Wasiiru Dowlahayga, Wasiir ku Xigeenka, Xildhibaanada, Xafiiska Madaxweynaha iyo badi Golaha Wasiirada. Markay halkaa mareyso ayaan shaahid u noqday hoggaamiye waxkasta ka cabsada oo dareemay inuu go’doon yahay.

Muddadii waayo aragnimadeyda iyo la shaqeyntiisa, waxa kaliya ee han geliya waa rabitaanka qofeed qiime kastoy ku kacaysaba.

Soomaaliya way hagaagi wayna inay hagaagtaa. Waddanku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye aragti leh, qaangaar ah, dhab ah oo ka run sheega hadalladiisa iyo ka go’naantiisa. Fadlan ha aaminina – ereyadiisa waa kuwo maran oo eber ah.

Madaxweynaha, haddaad ka aragti duwan tahay, iyo haddii kalaba, ugu yaraan waxaad ka heleysaa ixtiraam, wada hadal sharaf leh, xitaa haddaad siyaasadaha isku diidan tihiin. Wuu ku faa’idi lahaa hadduu qoran lahaa la taliyayaal badan oo xirfadyahanno ah. Qalbigiisu meesha san ayuu jiraa laakiin wuxuu u baahan yahay Ra’isul Wasaare aan lugaha qabanin, oo aanna kula jirin tartan toos ah.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ku faanaa inuu annaga nagu yiraahdo inuu isagu waddanka xukumo — laga yaabee inuu dhageysto heestii fannaanada Beyonce ee ahayd “Dunida yaa xukuma” ?Haddaba isla weynidii ayaa xarko goosatay.

Xasan Kheyre wuxuu abaalmariyaa kuwa isaga “shakhsiyan” daacadda u ah ee ma’ahan kuwa qaranka daacadda u ah. Wuxuu isku saf ka dhigtaa kuwa xisaabtiisa bangiga u badin kara, heerkiisa awoodeed, ama kuwa ku quudiya xanta cadowgiisa – ama haloo arko ama si ka duwan ha ahaadeene.

Way i murug gelisaa inaan arko isagoo weli isku dayaya inuu doqomeeyo Soomaalida. Ugu yaraan, waxaan joogaa marxalad aan sheegi karo aragtideyda si xor ah. Wuu cabsi galiyay waddanka intiisa kale.

Madaxweynuhu wuxuu sameyn karaa wax wanaagsan, waddankuna wanaag ayuu u qalmaa. Illaahay ha naga badbaadiyo xukunka dhagarta Xasan Cali Kheyre. Intani waa fekerkeyga shakhsiga ah oo ku saleysan la macaamilkeygii shaqo. Intan nagu filan. Soomaaliya way dhibtootay muddo dheer.

W/Q: Khadra Dualeh, Wasiir hore ee ganacsiga iyo warshadaha
Tarjumidda: Abdalle Ahmed Mumin
Tixraac: 
https://www.facebook.com/khadra.dualeh.3