Khasaaraha dhimasho ee qaraxyadii Muqdisho ee maanta oo sii kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo labo ahaa oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaariga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Dadka waxyeelada ay kasoo gaartay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uusoo gaaray xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo ka dagay gaariga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay gacanta ciidamada ay ka wada hadlaan.

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com