Kheyre : Annaga oo joogna Sanad ka yar ayaan ku guuleysanay in qof walba mishaarkiisa qaato

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay horumarka ay ku talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd,waxana uu xusay in dhammaan mushaaraadka shaqaalaha dowlada la bixiyay mudadii koobneyd ee ay dowladiisu jirtay.

Kheyre oo la hadlay warbaahinta ay dowladu maamusho ayaa sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo.

“Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed anagu waxaan dalka joognaa in ka yar sanad, sanadka intii ka yareyd waxaa muuqata rajo ah in qof walbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wanaagsanaan doonto Mustaqbalka,sanadka iyo intii ka yareyd aan joognay qof kasta, mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay mushaarka oo dhan hadana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa dowlada u taala”. Ayuu yiri Kheyre. Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida mashaariicyo waaweyn.

“Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, anagoo joogna sanad ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo joogna sanad ka yar ayaa Midowga Yurub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta oo aan geli karno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah.

“Annaga ka xukuumad ahaan dowlada hada jirta la dagalaanka musuq maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii koowaad sida Dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay midka koowaad ee laga fekero ayuu Musuq maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, hadda waxaan rajeyneynaa haduu ilaah yiraahdo golaha markii ay dhameystireen in aqalka sare iyaguna ay soo dhameystiraan, hadda waxaan xooga saareynaa inaan dhisno guddi madax banana oo la magac baxay guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Maalintii dhibibada loo taago guddigaas madaxa banaan oo xukuumada ka madax banaan oo isaga fuliya wax kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, waxaan aaminsanahay dalka inuu talaabo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com