50 ardey oo Soomaali ah oo Master Degree ka qalinjebisay (Daawo sawirro)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad Qalin jebin Master Degree ah oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Ganacsato iyo Culumaa’uddiin ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

50 ardey ayaa dhameysatay Master Degree Qeybaha kala ah International Business iyo Master of Finance.

Barnaamijkan Master Degree-ga ah waxaa iska kaashaday Jaamacadda Pan-African International University iyo Jaamacadda Amity ee Waddanka India.

Guddoomiyaha Jaamacadda Pan African International ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Amity Isxaaq Axmed Muuse ayaa sheegay in Barnaamijkaan uu yahay Miraha ka dhashay Dadaal xooggan oo ay u galeen sidii ay ardeyda soomaaliyeed waddankooda uga heli lahaayeen Tacliinta Sare.

“Barnaamijkan waa Mid uu sahlay Midowga Afrika oo loogu talagalay in ay ka faa’ideystaan Muwaaddiniinta 53 waddan oo afrika ah oo ay soomaaliya ku jirto, markii ugu horreeysay waxaannu bilownay sanadkii 2009kii, dufcado hore ayaa qalin jebisay, hadda dufcaddan waxaa noo qalinjebineysa 50 ardey” sidaas waxaa Munaasabadda ka sheegay Mr. Isxaaq Axmed.

Ardeydan Maanta Qalinjebisay ayaa waxbarashada ku qaadanayay si Online ah ayadoo Imtixaannadana looga qaadayay Gudaha Dalka.

Waxay waxbarashada soo Billaabeen Sanadkii 2014kii ayadoo ugu dambeyna ay Maanta Guddoomeen Shahaaddooyinkooda.

Agaasimaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Xasan Taata) ayaa sheegay in arrintan ay tahay guul soomaaliya usoo hoyatay Maaddaama 50 ardey ay Master Degree ka qalinjebiyeen iyagoo dalkooda jooga.

“Muhiimaddu waxay tahay inaad aqoontiinna iyo Fekerkiina uga faa’ideysaan Danaha Qaranka iyo Dib u dhiska Dalkan, Xaaladaha Murugsan ee uu Dalku Marayo waxa kaliya ee looga bixi karo Waa aragtiyo Caafimaad qaba oo ka yimaada Maskax Aqoon leh Maskaxdaas dadka ay ku jirtana waa adinka iyo inta kale ee wax baratay” ayuu yiri Agaasimaha oo la hadlayay Qalinjebiyayaasha iyo Maamulkooda.

Ugu dambeyntii waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Xarrunta Cusub ee Jaamacadda Pan African International University Xarrunteeda Magaalada Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowraha guud ee Qaranka, Agaasimaha waaxda Canshuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda iyo Masuuliyiintii kale ee ka qeyb gashay munaasabadda ayaa sheegay in ay guul tahay in Pan African University Xarrunteeda Maanta Xarigga laga jaro.

Masuuliyiinta ayaa tilmaamay in ay dad badan fursad u noqon doonto in ay helaan waxbarasho sare iyagoo Dalkooda jooga oo Shaqooyinkooda heysta isla markaana Ehelladooda la nool.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA