Maxay tahay sababta ka dambeyso safarka uu Farmaajo ku aadayo Magaalada Garoowe?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in uu dhawaan gaaro magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyay in madaxweynaha oo ay wehliniyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo saraakiil kale ay dhawaan ka bixi doonaan Muqdisho waxayna ku wajahan yihiin Garowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Socdaalka madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu salka ku haayo ka qeyb galka xaflad loogu dabaal dagayo 4 sano guuradii ka soo wareegtay doorashada Madaxweynaha Puntland C-wali Maxamed Cali Gaas.

C-wali Maxamed Cali Gaas ayaa la doortay 8-dii Jan. 2014-kii waxaana magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ka socda abaabulka Xaflado loogu dabaal dagayo sanad guuridii afaraad ee doorashadiisa.

Sidoo kale Garowe ayaa la sheegay in ay gaari doonaan Madaxweynayaasha Maamul gobaleedyada, kuwaas oo ka qeyb gali doono xafladda sida ay noo sheegayn Ilo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in markii uu gaaro Garowe isaga iyo wafdigiisa ayna ka qeyb galaan Xafladda dabaal dagga kadib ay  kulamo la soo qaadan doonaan qaybaha Bulshada ee Puntland.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay Garowe ka socoto qaban qaabada xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xafladda Guud ee dabaal dagga afar sano Guuradii ka soo wareegatay Madaxwayne C-wali Gaas.

Warar kale oo aan ka helnay magaalo Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya markii uu Garowe kaga qayb galo xafladda sanad Guurada safar kale uu ku gaari doono magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ee Puntland, waxaana la sheegay dadka uu lakulmi doono in ay ka mid noqon doonaan odayaasha Gobalka Bari ee Puntland oo cabasha ka qaba Shirkadda lagu wareejiyay Dekadda magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore uga baaqday booqosho la qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa Puntland, kadib markii Baarlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabtayn Golihii wasiirada Puntland oo markaas qaban qaabinayay xafladii lagu soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com