Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka oo xumaaday & Xaaladda oo meel xun mareyso

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaa la sheegay in uu xumaaday kadib markii Imaaraadka uu saameyn Balaaran ku yeeshay Arimaha Soomaaliya sida laga soo xigtay Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo dhinaca Siyaasadda ah.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka oo soo xiganaya siyaasiin Soomaali ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo la-taliyaal muhiim ayaa qoray in uu Mugdi sii galyo xiriirka Labada Dowladood.

Warbaahin ka soo baxda Maraykanka iyo Qatar majaladda la yiraahdo international Africa oo wax ku qorta Luqdda English-ka ayaa sheegay in Imaaraadka 3 Duulimaad uu ka sameeyay Soomaaliya lagu qaaday Xildhibaano gaarayo 28 mudane oo u badan Golaha shacabka kuwaas oo la sheegay in ay shirar ku yeesheyn magaalada Abu Dubai ee Xarunta Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Warbaahinta Caalamiga ah ayaa qoreysa in ku xigeynkii Xeer-ilaaliyihii qaranka ee dhawaan xilka laga qaaday uu ka mid noqday siyaasiin dhawaan xiriir la yeeshay Imaaraadka Carabta si uu udifaaca Xubnaha Imaaraadka taageersan oo la sheegay in ay Dowladda Soomaaliya Caburin ku heyso.

Siyaasiinta laga helay xogtaan ayaa sheegay in Imaaraadka Xildhibaano badan iyo siyaasiin uu lacag badan ku siiyay sidii xilka looga qaadi lahaa Xukumadda Kheyrre, siyaasiinta qaar ka mid ah ayaa loo balan qaaday in xil ka qaadista Kheyrre kadib dadaal kale lagu bixin doono sidii Ra’iisal Wasaare loogu magacaabi lahaa.

Madaxda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Imaaraadka kala hadlayn arintaan balse aysan wax natiijo ah ka soo bixin, Imaaraadka carabta ayaa sidoo kale xoojinaya xiriirka uu la leeyahay Madaxda Maamul Gobaleeyada.

Warbixinada la daabacay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay caburineysa dhamaan dadka ku xiran Imaaraadka Carabta, inkastoo uusan banaanka Imaan khilaafka Labada dhinac, ayaa hadane waxa jira calaamado muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay fargilinta Imaaraadka ee Siyaasadda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xeer-Ilaalinta qaranka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay jiraan Xildhibaano iyo siyaasiin ku xiran Dowlado shi-sheeye, waxayna arintaan timid kadib markii ay Soomaaliya go’aan dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay Xiisadda u dhaxeysa wadamada khiliijka.

xigasho Radio Kulmiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com