Kheyre oo ka jawaabay wararka sheegaya inuu isku shaandheynayo wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu isku shaandheyn ku sameynaayo Golaha Wasiirada xukuumadiisa.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana aanu jirin isku shaandheyn uu ku sameynaayo Wasiirada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Kheyre sheegay in Xukuumadiisa aysan weli jirsan lix bilood, sidaa aawgeed ay sii shaqeyn doonto xukuumada maadaama ay Wasiiradu yihiin kuwo howshooda guta.

Kheyre waxa uu carab dhabay in loo baahan yahay marka hore in uu cabiro shaqooyinkii ay qabteen Wasiirada, in ay fuliyeen balantii ay ka qaadeen shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed ay muhiim tahay in wakhti la siiyo Wasiirada.

Mar uu ka hadlaayay dhibaatooyinka ka jira dalka ayuu Kheyre sheegay in dhaqanka ummadda Soomaaliyeed waayahan danbe uu noqday inay sahlan tahay in wax la dumiyo, taasina aanan loo baahneyn, hadii la doonayo horay u socosho.

Sidaa aawgeed waxa uu Mr Kheyre tilmaamay inaanu dhici doonin inuu xilka ka qaado Wasiir ku filan howshiisa ama si wanaagsan u guta ballamihii uu qaaday.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in isku shaandheyn lagu sameynaayo dhammaan Wasiirada Xukuumada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com