“DF waxa ay muwaadiniinta u gacan galineysaa cadowga hilba cunka ah ee aan arxanka laheyn” Waxaa yiri….

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Federaalka ah ee Somalia ay qirtay in Sargaalka lagu magacaabo C/kariin Qalbi Dhagax lagu wareejiyay dowlada Ethiopia ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka.

Qoraal uu Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi kusoo qoray bogga uu ku leeyahay Facebooka, ayaa waxa uu uga hadlay dhiibitaanka Qalbi Dhagax.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay ku khaldan tahay dhiibitaanka Qalbi Dhagax, isla markaana talaabadaasi ay u arkaan mid loo bareeray.

Waxa uu Xildhibaan Zakariye, tilmaamay in talaabada lagu dhiibay Sargaalka Qalbi Dhagax ay tahay qiyaano Qaran.

Xildhibaan Zakariye oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri ”Waa nasiib darro arrintaasi waxaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka foosha xun oo aan orankarno khiyaanada Qaran ee lagu dhiibay Sargaalka muwaadinka ah”

”Waa fal ay madaxdeenu u bareertay kaddib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ay u gacan gelisay cadow shisheeye oo aan la socno inay cunayaan hilbahiisa”

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAAN ZAKARIYE

ABDIKARIIM QALBI DHAGAX MA DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED AYUU DANBI KA GALAY ?!

1-Abdikariim Qalbi Dhagax sadex sano ayuu reer Mogadishu ahaa si nabad gelyo ahna ku joogay.

2-Madaxweyne Farmaajo 6 bilood iyo 20 cisho ayuu ku dhiibay Abdikariim Qalbi Dhagax isaga oo aan u sababeyn Umadda Soomaaliyeed ee uu mas’uuliyada u haayo!

3-Majiro heshiis ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhigaya inla isweydaarsado dadka looga shakisanyahay inay danbiyo ka galeen labada dal midkood.

Sidaas daraadeedna Madaxweynuhu wuxuu danbi ka galay Dalka, Dadka Soomaaliyeed iyo Dastuurka Qaranka waana in lagula xisaabtamaa.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa isna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri “Wararka dhibane C/kariin Qalbi Dhgax waxay noo cadaadeen kaib markii Dowladeena ay la aamustay yaxyax, Calanka Soomaaliya ayuu ammaan ka soo biday, balse wuu ka heli waayay, waana ceeb Soomaali oo dhan u soo hoyatay.” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com