Kheyre oo qaaday tallaabo cajiib ah isaga oo wax ciidan ah aysan la socon ka degay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisu Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo galabta gaaray magaalada Garowe ayaa waxaa uu ku dhaqaaqay tallabo cusub oo la yaab ku noqotay madaxdii kale ee kaga horreysay Garoowe iyo dadka shacabka ahba.

Khayre ayaa Garowe u safray isaga oo aan wadan wax ciidan hubeysan ah oo ammaankiisa sugi doono, halka madaxda kale ay ciidamo hubeysan la tageen Garowe.

Ammaanka Khayre ayaa waxaa la wareegay inta uu Garowe joogo ciidamo ay u diyaarisay dowald goboleedka Puntland.

Waxaa la filayaa in shirka Golaha Amniga Qaranka uu si rasmi ah Garowe uga furmo maalinta Axadda ah ee soo socoto iyada oo Garowe ay iminka ku sugan yihiin dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, iyo xubno ka tirsan xukuumadda oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa dhaqan ahaa in madaxda dowlad goboleedyada ay Muqdisho la yimaadaan ilaaladooda gaarka iyada oo si taa la mid ah madaxda federaalka ay ciidamada koofiya casta la tagaan marka ay dowlad goboleedyada booqanayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com