28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Kheyre oo shaaciyey cidda raadineysa maqaamka gobolka Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir ee baadi-goobka loogu jiro iyo kaalinta kaga aadan Xukuumada Somalia.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in Gobolka Banaadir uu helo maqaam gaara, balse waxa uu soo jeediyay in raadinta maqaamka loo maro wadooyin wanaagsan oo uu ku jiro wadahadal.

Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadiisu ay la socto mudada baadi-goobka loogu jiro Xuquuqda Gobolka, waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay ka qeybqaadan doonaan raadinta Xuquuqda Gobolka.

”Xukuumadu waxa ay ku dadaali doontaa sida Gobolka Banaadir uu ku yeelan lahaa Xuquuq, waxaan dooneynaa in la muujiyo sabar si looga miro dhaliyo dadaalka lagu gaari lahaa Gobolka Banaadir oo leh maqaam u gaar ah”

Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Shacabka ku nool Gobolka Banaadir ay yihiin Astaantii ay fiirsaneyso dowlada Federaalka, waxa uuna cadeeyay inaysan ilaabi doonin xuquuqda shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale, sheegay in Xukuumada Somalia ay dooneyso in baadi-goobka Maqaamka Gobolka Banaadir looga danbeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed.

Xasan Kheyre ayaa ku baaqay in wixii khuseeya Maqaamka Gobolka loo daayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka Odayaasha ku guda jira baadi-goobka Maqaamka looga baahan yahay in si dhow ay ula shaqeeyan Guddoomiyaha Gobolka Taabit.

Haddalka Kheyre ayaa kusoo beegmaaya xili maalmahaani ay magaalada Muqdisho ka socdaan shirar is xigxiga oo lagu raadinaayo Maqaamka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News