28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jawaari oo kala dhantaalay qorshaha xildhibaanada mucaaradka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xildhibaanada Mucaaradka ee dhawaan magaalada Nairobi uga dhawaaqay Madasha Horusocod ee looga soo horjeedo dowlada Federmaajo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Mucaaradka ay isku hoolen diyaarinta Mooshin ka dhan ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre.

Mooshinka oo muddo hal maalin ah socday diiwaan galintiisa ayaa la sheegay inuu hakiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii uu dalbaday in lasiiyo fursad uu ku xalinkaro tabashada Xildhibaanada ay ka qabaan Kheyre.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale Xildhibaanada Mucaaradka u qabtay in fursad loo siiyo muddo afar maalin oo ay uga bilaabaneyso maanta oo Sabti ah, si loo xaliyo Kacdoonka Siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaanada.

Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in Madaxda Qaranka ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan Tabashada jirta, balse waxa uu nasiib darro ku sheegay in la qaato go’aan degdeg ah oo aan mirro dhalkiisa muuqan.

Docda kale, Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada Mucaaradka ku wargaliyay in gogosha lagu xalinaayo Tabashadooda ay taal magaalada Muqdisho, loona baahan yahay inay iska xaadiriyaan Xamar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News