28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Imtixaanadkii shahaadiga u furay 27 Kun oo arday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare oo ay u fariisteen inka badan 26 kun oo arday Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay la socdeen qaar kamid ah wasiirada xukuumadiisa oo uu jiro wasiirka waxbarashada ayaa tagay iskuulka 15 May oo ku yaala degmada Warta Nabbada halkaasi oo arday badan ay imtixaanka u fariisanayeen.

Isaga oo la hadlayay boqolaal arday iskuulkaasi ku galaysay Imtixaanka ayaa sheegay inuu muhiim u yahay maanta inay imtixaankaan u fariistaan, maadaama uu yahay mid mideysan oo dowladda ay qaadeyso.

27 Kun oo arday oo ay ku jireen arday ku sugan deegaanada Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayuu sheegay ra’iisul wasaaraha inay isku mid ka yihiin Imtixaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sugaya amaanka goobaha lagu qaadayay imtixaanka ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaase dhankeeda sheegtay in imtixaanka maanta ay ardayda ka qaadayaan iney iyaga diyaariyeen, waxayna qeylo dhaan jeediyeen kadib markii ay heli waayeen dhaqaalaha loogu talo galay qorshahaan, sida masuul Galmudug u hadlay uu sheegay.

- Advertisement -

Read more

Local News