Kheyre oo xildhibaanada Hawiye ka diiday in lasii daayo CC Shakuur iyo shuruud lasoo…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa diiday in la sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo muddo laba maalin ah u xiran dowladda Soomaaliya kadib markii xilli saq dhexe ah lagala soo baxay gurigiisa oo ku yaalo meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo Xalay kulan xasaasi ah la qaatay Guddi Xildhibaano iyo Senator isugu jira oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, kana koobnaa 11 Xildhibaan ayaa ka diiday dalab ay u gudbiyeen oo ahaa in lasii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Ra’isulwasaare Kheyre si rasmi ah ugu sheegay inaan la sii deyn doonin Cabdiraxmaan Cabdishakuur isla markaasna ay arrintiisa u taalo hey’adaha Garsoorka iyo Amniga, wuxuuna ugu baaqay in iyaga laga warsugo.

Shirkaan oo xalay qaatay Saacado badan ayaa ugu dambeyntii la isku fahmi waayey, wuxuuna Kheyre isku dayey inuu ku qanciyo Xildhibaanada inay ka war sugaan Hey’adaha Garsoorka, balse waxaa muuqatay inaysan Xildhibaanada arrntaas ku qancin sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah Xildhibaanada kulankaas ka qeybgalay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur arrintiisa ay gacanta ku hayaan Hey’addaha Garsoorka, isla markaana baarista socoto, isagoo xusay in hey’adaha uu ku amray in si degdeg ah baaritaankiisa loo soo gaba gabeeyo..

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa kulanka ka jeediyay in xaalada ay ka sii dareyso hadii aan la soo deyn Siyaasiga, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku qanciyay in laga war sugo Hey’adaha sharciga, wuxuuna kulankaas kusoo dhamaaday fashil.

Xildhibaano dhawr ah oo ay kamid ahaayeen kuwii Kheyre la kulmay ayaa la xaqiijiyey inay booqdeen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku xiran xarunta NISA, waxaana ay sheegeen in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com