Waa sidee xaaladda caafimaad ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Beesha Hawiye ayaa Booqasho ugu tagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku xiran Xabsiga NISA.

Xildhibaanadaas oo markii hore Kulanka xasaasi ah la qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday in la siiyo daayo Siyaasigaas, inkastoo arrintaas uu ka biyo diiday Ra’isulwasare Kheyre oo sheegay in arrintaan looga dambeenayo Hey’adaha Amniga.

Kulankaas kadib Xildhibaano ka tirsan Beesha Hawiye ayaa booqday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna sheegeen inay xaaladiisa tahay mid aad u fiican isla markaasna aysan jirin wax dhib ah oo heysto.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Ra’isulwasaare Kheyre si rasmi ah ugu sheegay inaan la sii deyn doonin Cabdiraxmaan Cabdishakuur isla markaasna ay arrintiisa u taalo hey’adaha Garsoorka iyo Amniga, wuxuuna ugu baaqay in iyaga laga warsugo.

Shirkaan oo xalay qaatay Saacado badan ayaa ugu dambeyntii la isku fahmi waayey, wuxuuna Kheyre isku dayey inuu ku qanciyo Xildhibaanada inay ka war sugaan Hey’adaha Garsoorka, balse waxaa muuqatay inaysan Xildhibaanada arrntaas ku qancin sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah Xildhibaanada kulankaas ka qeybgalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com