Kheyre oo xog ka bixiyay Hanaanka lagu qancinayo beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia oo la filaayo in goordhow uu u safro magaalada Baydhabo, ayaa ka hadlay halka ay marayaan dadaalada lagu magacaabaayo Golaha Wasiirada.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in wali uu ku guda jiro la tashiga Beelaha waxa uuna sheegay inay ka go’an tahay in marka hore uu beelaha ku qanciyo isbedelka iyo magacaabida Golihiisa.

Kheyre waxa uu tilmaamay in inta badan Beelaha ay isla arkeen hanaanka magacaabida waxa uuna sidoo kale sheegay in waxa u harsan ay yihiin wax yar.

Waxa uu tilmaamay in marka hore uu kasoo jeesan doono la tashiyada, si buu yiri looga hortago khilaaf iyo muran ka dhashay magacaabida.

Kheyre waxa uu cadeeyay in xulista Xubnaha uu yahay mid wakhti badan u baahan waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan xubno gaara oo u diyaarsan Dowlada.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in Beelaha Soomaaliyeed ay ku sabraan hanaanka lagu magacaabaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com