Xog: Maxaa ka hirgalay codsigii Farmaajo uu hordhigay Sacuudiga ee arrinta Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan Dowlada Sacuudiga ka dalbaday in Dowlada Imaaraadka Carabta ay joojiso saldhigga Milatari ee Berbera.

Madxaweynaha waxa uu Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, ka dalbaday in Dowlada Imaaraadka ay ku wargaliyaan in faraha ay kala baxdo Saldhigaasi isagoo dhinaca kale usoo jeediyay in Heshiiska ay la galeen Somaliland usoo weeciyaan dhanka DFS.

Qoraal kooban oo Dowlada Sacuudiga ay usoo dirtay Dowlada Somalia ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu si hordhac ah u guda galay dalabkii Madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka Sacuudiga oo u muuqday mid lagu kala badbaadinaayo labada dal ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Sacuudiga ay bilowday in Imaaraadka ay kala hadasho arrinta ku aadan Saldhiga Militery ee Berbera.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa ahaa ”Sacuudigu waxa uu ka shaqeynayaa maslaxada labad dal, waxaa bilowday dadaalada xalka loogu raadinaayo muranka”

Waxaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ”Wax waliba waxa ay mari doonaan sharciga waxaan ku rajo weynahay in laga dhabeeyo xal u helida arrinta Saldhiga wax waliba waxa ay noqon doonaan sidii loogu tallo galay”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka didsan talaabooyinka Dowlada Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay in Dowladaasi uu u diray waraaq cabasho ka dhan ah safiirkooda Soomaaliya Mohamed Al-Osmani kaasoo lagu eedeeyey inuu ka shaqeenayo isku dirka Soomaalida.

Farmaajo ayaa qaba dareen ku aadan in Dowlada Sacuudiga qudheeda ay u xaglineyso Imaaraadka oo bah wadaag ku yihiin Isbaheysiga uu hogaaminaayo Sacuudiga kaa oo lagu tirtiraayo Xuutiyiinta Yemen.

Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta ayaa xiriirkooda gaabis ku yimid tan iyo markii la guda galay Doorashooyinkii kala danbeeyay ee Somalia, taasoo lagu sababeeyay khilaaf ba’an oo u dhaxeeyay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo dawladda Imaaraadka carabta, iyaddoo ay labadda dawladdood isku qabteen, kadib markii ay dawladda imaaraadku si toosa u taageertay Ra’isal wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid.

Xiisaddan dublamaasiyaddeed ee u dhaxaysa Dawladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxay sii cakirrantay oo dabka ku sii shidday, kadib markii ay dawladda Imaaraadku uu bilaabay inuu Saldhig ka samaysto magaalada Berbera.

Madaxweynaha cusub ee dawladda fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestay, isla markaanna ka biyo diidday Heshiiska Saldhiga Milatari ee dhex-maray Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta, waanna sababta soo dedejisay in dawladda Imaaraadku u yeertay Safiirkii u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo kaashanaaya aragtidiisa ku aadan saameynta uu yeelankaro Saldhigaasi ayaa si cad uga biya diiday in la hirgaliyo Saldhigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com