Duuliyayaasha ka howlgali doona saldhiga Imaaraadka ee Bebera oo ka imanaya dal Afrikan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka ayaa bilowday diyaarinta howlaha Saldhiga ay dhawaan ka furan doonto magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Dowlada Imaaraadka ayaa diyaarineysa cadadka Diyaaradaha ee ka howlgali doona Saldhiga, waxaana la xaqiijinayaa in Diyaaradahaasi aysan ka xeyn doonin duuliyayaasha Imaaraadka cabsi laga qabo in lagu dilo Gantaalada ay adeegsan doonaan Xuutiyiinta.

Duuliyayaasha kaxeyn doona diyaaradaha dagaalka ee ka duuli doona Saldhiga Berbera ayaa laga soo kireynayaa Dowlada South Africa, iyadoo Heshiiska lagula soo wareegaayo duuliyayaasha uu iminka yahay mid socda.

Mashruucan lagu kireysanaayo duuliyayaasha ayaa waxaa dalaal ka ah Sargaal lagu magacaabo Erik Prince oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka.

Erik Prince ayaa horay u ahaan jiray Agaasimaha Fulineed ee Shirkadda BlackWater ee xiligii dagaalka Ciraaq ay wasaaradda Difaaca Maraykanku u xilsaari jirtay qaar ka mid ah hawlgalada ciidan oo ay ka wadeen dalkaasi.

Sargaalka lagu magacaabo Erik Prince ee dalaalka ka ah mashruuca lagu kireynaayo duuliyayaasha ayaa sanadahan danbe ku noola magaalada Abu-Dhabi waxaana la sheegay inuu xiriir fiican la leeyahay Dowlada Imaaraatka taasoo u xilsaartay hawlo tababar ciidan oo ay ka wadaan Muqdisho iyo Puntland.

Erik Prince, ayaa Dowlada Imaaraadka kula heshiiyay dhaqaale xoogan oo loo kala qaaday Mushaarka iyo magta duuliyayaasha, iyadoo goobaha ay ka howlgali doonaan ay noqon doonto Gobolada ay ku badan yihiin Xuutiyiinta sida uu dhigaayo Heshiiska.

Diyaaradaha loo qorsheeyay howlgalka Saldhigaasi ayaa tirro ahaan lagu sheegay 9 diyaaradood oo isbedeli doona mudada ay socto duqeynta Xarumaha Xuutiyiinta.

Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Berbera ayaa sidoo kale saameyn muuqata ku yeelan doona Maamulka iyo Shacabka Somaliland oo iyagu wajiyo cusub kala kulmi doona Kooxaha Xuutiyiinta.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Militeriga iyo Injineero kasoo jeeda Imaaraadka ayaa iminka ku sugan Xeebta Berbera gaar ahaan madaarka ku yaala magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com