Khilaaf culus oo hareeyey shirkii Muqdisho uga socday DF iyo dowlad goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shirweyne magaalada Muqdisho uga socdo wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya iyo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedka dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirkan oo soo billowday Isniintii ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo xiro, balse waxaa jira khilaaf culus iyo doodo hareeyey qodobada laga wada-hadlayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in haatan shirka uu galay marxalad adag, isla-markaana la’isku mari la’yahay qaar ka mid ah qodobada miiska saaran.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in shirkani uu ku soo dhammaado natiijo la’aan, haddii aysan isbedel iyo tanaasul sameyn dhinacyada ka socdo dowladda dhexe & maamullada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online doodaha ugu adag ayaa waxa ay ka taagan yihiin, sida loo qeybsanayo deeqaha ka yimaada caalamka, ayada oo wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ay ku eedeynayaan dowladda dhexe inay isku keli yeeleyso deeqaha la helo.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku doodayso in lacagaha deeqaha ah loo qaybsado si siman, halka dowlad goboleedyada dalka ay ku taagan yihiin qoondadii hore ee 60/40, taas oo ay markii hore dowladda federaalka ah ee Soomaaliya qaadan jirtay qoondo ah 40%.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrimahahaan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan wasiirada maaliyadda ee 5-ta dowlad goboleed ay ku dhowaaqeen go’aan wadajir ah oo ay ku sheegeen inay xiriirka ugu jareen wasiirada maaliyadda ee dowladda dhexe.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May, taas oo kadib keentay inuu khilaaf ka dhasho dhismaha dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan, ka gadaal markii ay xukuumadda cusub ka horyimaadeen qaar ka mida maamullada dalka.