Wasiir Falagle: Kooxda Al-Shabaab waxay billowday DAGAAL isir naceyb ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey dagaallada culus ee ka socda deegaannada maamulkaasi ee uu dhexeeyo Al-Shabaab iyo sidoo kale dadka deegaanka.

Wasiir Falagle ayaa shaaca ka qaaday in gulufka kooxda Al-Shababa uu hadda ka duwan sidii hore, isla-markaana ay billowday dagaal isir naceyb ah oo ay ku heyso dadka degan deegaannada Galmudug iyo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Galmudug iyo HirShabelle ay Al-Shabaab ka sameeyeen wax aan horey loo arag ayna gubeen xoolihii iyo guryihii dadka.

“Dadka deegaanka deggan ee nimankaas magacaas wataahi waxay hadda adeegsadeen inay isir la dagaalan, dadku meel ay joogaanbo qoryihii ayey qaateen. Gulufka hadda jiraahi mid horey loo arkay ma’aha sababtoo ah wax aan horey loo arag ayey deegaannadaan ka sameeyeen” ayuu yiri wasiirka warfaafinta dowla goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka ku dhaqan deegaannada maamullada Galmudug ay ula dagaalamayaan hayb ahaan, si loo baabi’iyo.

“Dagaalku haddii uu ahaan jiray Al-Shabaab iyo dowladda hadda sidaas ma’ahan waxaa haatan Al-Shabaab ay ka shaqeeyeen inay dadka degan Galmudug ay ula dagaalaan hayb qabiil oo dadka xoolahoodii iyo guryahoodii lagu gubay,” ayuu markale yiri wasiir Falagle.

Ugu dambeyn wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin shacabka, si looga hortego duulaanka Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, iyadoo dagaallo culus oo u dhexeeyo Al-Shabaab qabiillada gaar ee degga gobollada Galgaduud iyo Hiiraan uu ka socdo gobolladaasi, kaas oo saameyn ku yeeshay deegaanno uyo degmooyin ka kala tirsan maamullada Galmudug & HirShabelle.