Macallimuu oo shaaciyey arrin halis ku ah amniga iyo DAGAALK Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan kan Muqdisho iyo sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Macallimuu ayaa shaaca ka qaaday sababta ugu weyn ee hortaagan in la xasiliyo amniga caasimada, sidoo kalena laga adkaado Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada dalka.

Xidlhibaanka ayaa sheegay in hubka ugu badan Soomaaliya uu yaallo gudaha Muqdisho, isla-markaana ay heystaan dad gaar ah, taas oo uu tilmaamay inay halis ku tahay amniga.

“Hubka ugu badan Soomaaliya waxaa u yaallaa Muqdisho iyo duleedkeeda. Rag baa waxa ay ka hadlaan oo shaqsi ahaan u leh 50 -70 PKM ( Qoriga Dabajeexa loo yaqaan ee darandooriga u dhaca) iyo Baasuukayaal (RPG-7) tiradaa ka badan,” ayuu qoraalka ku yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmamay in inta ay taasi jirto in aan la sugi karin amniga, Al-Shabaabna aan lala dagaalami karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa ayaa marka dad laga xiro ama marka ay wax qoonsadaan tikniko soo kacsada. Inta hubkaas Xamar dhex ceegaago amni lama xasilin karo,  Shabaabna lagama adkaan karo.”

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaallada haatan ka socoda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee u dhexeeya qaar ka mid ah qabiilada daga halkaas iyo Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxda, balse aan lagu fiirsan qabiilo gaar ah.

“Qabiillo gaar ah in kaligood ay Alshabaab la dagaalamaan waa huri waa ee sax maaha , sababtoo ah waa argagaxiso abaabulan oo arxan aan laheyn kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ka baada lacago xad dhaaf ah,” ayuu markale qoraalkiisa sii raaciyey.

Xildhibaan Macallimuu ayaa si gaar ah u carab baabay beelaha haatan Al-Shabaab kula dagaalamaya Hiiraan iyo Galgaduud, wuxuuna dhanka kale fariin u diray beelaha kale.

“Saleebaan kaligii Galgaduud iyo Mudug in uu Shabaab kula dagaalamo dow maaha. Waa in ay iyaguna dagaalka ay ku biiraan Ceyr, Sacad, Duduble, Mareexaan, Dir, Mursade iyo Abgaal Waqooyi. Hiiraan Xawaadle kaligii in Shabaab uu la dagaalamo sidoo kale sax maaha. Waa in qabaa’ilka kale ee Hiiraan sida Gugundhabe, Gaaljecel , Dir (Surre) , Ujeejeen, Reer Owxasan iyo Jareer Weyne ay dagaalka galaan oo reerkii culeys uu fuulo loo ciidamayaa,” ayuu warbixintiisa ku yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay doorkeeda qaadato, isla-markaana ay hoggaamiso dagaallada haatan ka qarxay HirShabelle iyo Galmudug

“Dowladdu waa in ay hoggaanka dagaalka qaadataa oo taageero ciidan iyo saanadba ay ku taageeraan dagaalka soconaya,” ayuu warbixintiisa ku soo gabagabeeyey Macallimuu.