KHILAAF culus oo ka dhex qarxay Deni iyo Karaash

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo saameynta ka dhalatay xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo la soo wariyay in haatan ay khilaaf ka dhex dhalisay madaxweynaha Puntland iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Saciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa isku qabtay qaabka looga falcelinayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Laascaanood, taas oo gashay todobaadkii labaad oo rabshado ah.

Wararka ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku soo dhammaaday kulan ay yeesheen labada mas’uul, kaas oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiin kale, isla-markaana looga hadlayey dhibaatada ka taagan gudaha magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidanka Somaliland.

Karaash ayaa ka carooday qoraal uu habeen ka hor madaxweyne Saciid Deni ka soo saaray xiisaddaas, kaas oo u badnaa baaq loogu dirayo madaxda Somaliland, taas oo uu dhibsaday ku xigeenku, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Khilaafka labadaan nin ayaa marar badan soo noq-noqday, waxaana ugu dambeeyay oo ay is qabteen xilligii doorashooyinka markaas oo uu musharrax ahaa Saciid Deni, inkasto markii dambe xal waara laga gaaray khilaafkaas oo saameeyay hay’adaha maamulka.

Dhinaca kale waxaa lagu soo warramayaa in xildhibaano iyo saraakiil ka soo jeeda gobolka Sool, isla-markaana ka tegay Garoowe ay isku uruursanayaan duleedka magaaladaas, si ay u aadan aaga magaalada Laascaanood oo ay ka taagan tahay xaalad aad u cakiran.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxaysa, waxaana kordhay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay rabashadaha Laascaanood.

Magaaladan waxaa ku soo noq-noqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka hal-doorka u ah bulshada gobolka Sool.