Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-banaan ee Somaliland ayaa cambaareysay in hub loo adeegsado dadka rayidka ee bannaanbaxyada ka wada magaalada Laascaanood.

Xarunta ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo gacanta adag, ee ay ciidamadu ku wajahayaan dadka shacabka ee ka gadoodsan dilalka ku soo noqnoqday magaaladaas.

Xarunta xuquuqul insaanka Somaliland ayaa ku baaqday in la xushmeeyo xaqa banaan-baxayaasha iyo codkooda, sida uu dastuurka siinayo.

Sidoo kale, Dowladda Maraykanka ayaa shalay ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in Mareykanka uu codkiisa ku biirinayo dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Safaaradda “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”

Banaanbaxyada rabshadaha wata ee shantii maalmood ee ugu dambeysay ka socday magaalada Laascaanood ayaa qarxay kadib dilkii habeenkii Isniinta magaaladaas loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday.

Ninkaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ka tirsanaa Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani, waxaana la garan waayey cid dishay, taas oo sababtay in shacabku kaco oo la dibad-baxo.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.