Upeace oo 100 kun oo dhir ah ugu deeqday hindisa dib u cagaareynta Soomaaliya

Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (UPEACE) ay dowladda ugu deeqday in ka badan 6,000 oo geed, waana qeybtii ugu horeysay boqol kun oo geed oo ay jaamacadda balanqaaday in ay ku taageerto hindisa cagaareynta dalka ee uu daahfuray Madaxweyne Xassan Sheikh.

Dhirtan ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana lagu beeri doonaa magaalada Muqdisho.

Jaamacadda UPEACE waxay noqotay hay’addii ugu horeeyey ee ka jawaaba hindisaha  Madaxweynaha.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore (2022), Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu daah-furay Hindisaha Dib-u-cagaareynta Qaranka. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan Soomaaliya si looga hortago xaalufka dhirta, waxna looga qabto saameynta ba’an ee isbadelka cimiladda, iyadoo ay haatn jiraan abaaro ba’an "Ujeedada koowaad ee Jaamacadda UPEACE waxay tahay horumarinta nabadda iyo wax ka qabashada colaadaha, saameynta isbadelka cimiladda kuwaasi oo sabab u noqda colaadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatada, sababtoo ah biyaha iyo daaqa oo yar," ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf, madaxa UPEACE oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo dhirta loogu wareejiyey wasaaradda degaanka.

Dadaalka UPEACE ee ka qayb qaadashada hindisaha cagaareynta qaeanka ayaa ah mid la jaan qaadaya hindisaha Midowga Africa ee “Darbiga Cagaaran ee weyne” kaas oo looga gol leeyahay in dib loo  cagaareeyo 250 milyan oo hektar oo dhul ah oo xaaluf ah, laguna xoojiyo amaanka wadamada ay colaada ragaadisay isla markaasna lagu joojiyo Tahriibka.

Soomaaliya, waxa haatan dhibaato ba’an ku haya mushkiladu ka dhashay isbadelka cimilada kuwaasi oo ay ka mid yihiin xaalufka dhulka iyo cunno yari, waxay caqabd ku noqdeen dhibaatooyinkan in la gaaro horumar waara Hindisaha Somali-cagaaran waxaa looga gol- leeyahay in xal waara laga gaaro caqabadaha ka jira dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka sare ee Jaamacadda, waxaan u mahadcelinayaa Midowga Afrika iyo Ahay’adaha kale ee nagu taageeray howshan sharafta leh, waxaa naga go’an inaan dowladda Federaalka ku garab istaagno sidii ay u gaari lahayd hadafkeeda ah dalka la cagaareeyo, waana sababta aan hormuud uga noqonay hindisahan oo aan ugu deeqeyno boqolka kun ee geed ee ugu horreeya,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed Yuusuf.

“Tani waa bilow wanaagsan iyo hindise aad u wanaagsan oo ay samaysay Jaamacadda UPEACE, anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Jaamacadda iyo Midowga Afrika deeqdan 100-ka kun ee geed ah” ayuu yiri Dr Siciid Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray “in deeqdan ay gacan ka geysan doonto hirgelinta qorshaha Madaxweynaha ee ah in boqol kun oo geed lagu beero Muqdisho. Dhiraynta Soomaaliya waa mudnaanta koowaad ee wasaaradda deegaanka, waxayna wax badan ka tari doontaa caqabadaha ka dhalan kara isbedelka Cimilada.

Xaalufinta dhirta waa dhibaato meel kasta ka jirta, balse Soomaaliya arrintan waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn. Waxa sanadkii la jaraa ku dhawaad 2.5 milyan oo geed arrintaas oo u  nuglenaysay dalka saameynta isbadelka cimiladda.