Khilaaf ka taagan xil ka qaadis lagu sameeyay Taliye ka tirsan maamulka Puntland (Sababta)

Boosaaso (Caasimada Online)-Khilaaf ballaaran ayaa waxa uu ka taagan yahay xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen.

Xil ka qaadista C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa waxaa xil ka qaadista ku sameeyay Guddiga Amniga ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo xil ka qaadista sameeyay 8-dii February.

Guddiga ayaa xil ka qaadista ku micneeyay howl gudasho la’aan muddo 6 bil ah oo soo foodsaartay Taliyaha qeybta C/xakiin Yuusuf Xuseen, waxaana intaa u dheereed amar diido la sheegay inuu ku sameeyay Guddiga.

Taliyaha ayaa sidoo kale loo cuskaday xil ka qaadistiisa wada shaqeyn la’aan kala dhexeysay dhammaan Hay’adaha amaanka iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen oo ka hadlay xil ka qaadista ayaa sheegay in Guddiga Amniga aysan xilka qaadis ku sameyn Karin isaga, wuxuuna tilmaamay in shaqadiisa uu wadanayo, ilaa uu helo amarka Madaxda sare.

Waxa uu sheegay in xilka uu hayo uusan aheyn mid ay magacaabeen Guddiga, sidaa aawgeedna uu sii heyn doono xilka ilaa ay kasoo baxdo wareegto heer madaxeed ah.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/lkaahi Yuusuf oo maanta tagay magaalada Boosaaso, sidoo kalena warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka ay u yimaadeen magaalada Boosaaso inuu yahay in arrintan ay baaris ku sameeyaan, isla markaana ay daraaseyan hanaanka loo maray xil ka qaadista.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Wasiirka Amniga arrintan go’aankeeda ugu dambeeya in warbaahinta ay la soo wadaagi doonaan, balse hada ay wadaan baaris, wuxuu soo hadal qaaday xaalada amni ee Boosaaso, wuxuuna sheegay in Ciidamada ay kordhinayaan Howlgalkooda.

Dhinaca kale, xubnaha Guddiga amniga ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage, Taliyaha Asluubta Gen. Cali Nuur Cumar, Gudoomiyaha Gobolka Barri Yuusuf Maxamed wacay (Dhedo) iyo Gudoomiyaha degmada Bosaso Yaasin Mirre.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com