KHILAAF ragaadiyay isku shaandheyn lagu sameyn lahaa xukuumada G/Mudug

Dhuuso-mareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dib u dhac ku imaaday qorsho lagu doonaayay in lagu magacaabo Golo Wasiiro cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Qorshahani ayaa la sheegay inuu dib dhacay kadib Khilaaf ka dhashay hanaanka loo qeybsanaayo kuraasta Golaha oo ay wada yeelan doonaan maamulkii hore ee Cadaado iyo Ahlusuna oo dhawaan midoobay.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo gaar gaar ah ku lahaa Madaxtooyada Dhuusomareeb si loo dhiso shaxda Wasiirada cusub ee Madaxweyne Xaaf laga sugayo, kaasi oo la doonaayay inay kasoo dhexmuuqdan xubno matalaaya maamulkii Ahlu Sunna.

Mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in todobaadkii tagay warbaahinta looga yeeray Madaxtooyada dhuusomareeb si loogu dhawaaqo Wasiirada waxaana dib u dhac ku yimid ku dhawaaqistaas kadib markii leysku afgaran waayay laba Wasaaradood.

Fashilka ku imaaday kulanka la filaayay in lagu dhawaaqo Golaha kadin ayaa waxaa Sabtidii iyo Axadii ee todobaadkan mar kale warbaahinta looga  yeeray ka qaybgalka ku dhawaaqista Wasiirada, waxaana ka horeeyay kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen Madaxdii Ahlu Sunna ka timid oo uu kamid yahay Sheekh Maxamed Shaakir, Madaxa Xukuumadda Galmudug, Macalim Maxamuud iyo xubno kale, hase yeeshee waxaa dib udhac ku yimid ku dhawaaqista Wasiirada.

Khilaafka labada dhinac ayaa ka dhashay laba Wasaaradood ee kala ah Amniga iyo Arrimaha Gudaha waxaana ku dhagan Ahlusuna, halka Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ay kasoo horjeedan.

Waxaa labada dhinac ee isku biirtay ka dhex jira ismaandhaaf salka ku haya awood qeybsiga taasi oo mugdi galineysa qorshooyinka u degsan maamulka.

Sidoo kale, waxyaabaha ugu badan ee la isku hayo waxaa kamid ah, qaybsiga Wasiirada Muhiimka ah sida Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Iskaashiga iyo Wasaarado kale.

Geesta kale, Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wasiiradiisa cusub waxaa kasoo muuqan doono xubno katirsan Wasiirada la isku shaandheyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com