Xog: Kaalin intee la’eg ayuu R/W KHEYRE ku leeyahay doorashada Gen. Gaafow?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu kaalin weyn ka qaadanayo doorashada la filaayo inuu u tartamo Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa awoodiisa ku bixinaya sida uu doorashada Xildhibaanimo ugu soo bixi lahaa Cabdullaahi Gaafoow oo tan iyo markii dowlada Farmaajo xilka ka qaaday aanu helin kursi kale.

Illo ku dhow dhow Agaasimihii hore ee NISA ayaa laga soo xigtay in dhaqaalaha ugu badan ee ku baxaya doorashada Cabdullaahi Gaafoow uu dusha saartay Xasan Cali Kheyre, taa oo loo sababeynaayo in Ra’isul wasaraha uu ballanqaad hore u sameeyay Gaafow oo xilkiisa hore ku waayay rajo.

Doorashada la doonaayo in lagu soo saaro Cabdullaahi Gaafoow, ayaa lagu balansan yahay inay dhacdo maanta oo Talaado ah, waxa ayna ka qabsoomi doontaa magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa diiwaangeliyey Ergada dooraneysa Kursiga Golaha Shacabka iyo qeybaha kale ee korjoogtada ka noqon doonta doorashada dhaceysa maanta.

Kursiga Golaha Shacabka ayaa waxaa Bishii Agoosta ee la soo dhaafay noqday Xildhibaankii ugu horeeyey ee iska casila Cabduqaadir Gaafoow Maxamuud oo ay wada dhasheen Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow.

Sidoo kale, waxaa hadda magalada Dhuusamareeb kuwada sugan musharaxiinta u tartameysa kursiga Xildhibaanimo ee uu ugu horeeyo Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud kaa oo isku soo sharaxay Xubinimada xildhibaan ee uu iska casilay walaalkiis Cabdulalahi Gaafoow Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, Gaafow ayaa waxaa doorashada la gali doona dhalinyaro uu adeer u yahay kuwaa oo aan miisaan iyo dhaqaale toona laheyn, balse waxa ay u buuxin doonaan loolanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com