Warbixin: Xiriirka Israel iyo SAUDI ARABIA iyo sida uu Netanyahu uga faa’iideysto

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu waxa uu fursad walba uga faa’ideystaa in uu sheego in dalkiisa uu heer wanaagsan ka joogo hagaajinta xiriirka kala dhexeeya dalalka waa weyn ee Carabta, isaga oo si cad ula jeeda Sacuudi Carabiya.

Ilo ku dhaw Netanyahu waxa ay sheegeen in dadka kor joogeeyeyaasha ay arkaan in uu xiriir laba geesood ah ka dhexeeyo Tel Aviv iyo Riyadh.

Waxaa iyadana arintan qiime u yeeleysa in Riyadh aysan beenin xaqiijinta Israel ee xiriirka Sacuudi Careebiya kala dhexeeya ee caadiga noqday.

Xiriirka ay Israel la leedahay ma muujinayo istaraatijiyad cad iyo hadaf waana sida ka muuqata aragti la’aanteeda xulashooyinkeeda siyaasadda arrimaha diadda.

Tani waxa ay la micne tahay in midowga Sacuudiga iyo Israel ay ka turjumeyso baahida Riyad ay u qabto saaxiib leh miisaan iyo saameyn sida Telaabiib xilli ay Sacuudiga la kulantay guuldarrooyin is xiga oo gobolka ah.

Sidoo kale waxa ay guuldarro kala kulantay iska caabinta Iran iyo yareynta baahidda saameynteeda iyo awooddeeda ee guud ahaan gobolka oo dhan.

Shaki kuma jiro in Israel la midowga Sacuudiga ka faa’ideyso. Isku dayga Sacuudiga ee ay ku rabto danaha laba darafka ah iyo waxyaabaha kale waxa ay ka dhigan tahay in Israel noqotay qeyb ka mid a xalka.

Qirashadan wali Israel kama aysan helin dal Carab ah tan iyo markii uu curtay dagaalka Falastiin. Sacuudiga waxa uu heshiiska ay Israel la galeen u arkaan in uu hakin doonno Iran iyaga filaya in ay Israel dagaal la gasho Iran haddii ay heerkaas gaadho.

Hase yeshe, aragtideyda sidaas ma dhici doonto maadama danaha dagaalka ay Israel ka leedahay Iran wey caddahay oo kuma darsanayaan difaacidda Sacuudiga.

Israel waxaa u yaal khad guduudan waxa ayna diyaar u tahay in ay cudud ciida adeegsato haddii ay Iran ku soo tallowdo khadka guduudan ee Israel. Tani waxa ay ka dhacday Suuriya todobadii sano ee u dambeeyey.

Netanyahu: Hagaajinta xiriirka Carabta waxaa xiga nabad

Waxaa taas u dheer in Israel ay aqbalaad muhiim ah ka hesho dal ku yaal bartamaha Carabta, xiriirka Israel waxa caawin doonaa sii dheereynta rejo la’aanta iyo jahwareerka qalbiyada Falastiiniyiinta, kuwaas oo ay Israel isku dayeyso in ay u diiddo xuquuqdooda iyada oo uga faa’iideysaneysa is fahanka ay la gaartay Sucuudiga.

Israel waxa ay sidookale darseysaa xaaladda gobolka, iyada oo ay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Carabta ay gaareen go’aanka ah in qadiyadda Falastiiniyiinta ay tahay ahmiyadda ugu hooseysa, dalalkaas waxa ugu horreeysa Sucuudiga, sidaas daradeed heshiiska  Sucuudiga waxa ay keeni kartaa in Sucuudiga ay dhaqaale ugu adeegsato in ay Falastiiniyiinta ay si bilaash ah ugu tanaasulaan Israel.

Muddo yar  kahor, Taliyaha ciidamada xoogga Israel iyo Wasiirkii difaaca Moshe Ya’alon waxa ay qoreen maqaal muhiim ahaa oo lagu daabacay machadka barashada ammaanka ee Jaamacadda telaabiib waxa ay uga hadleen danaha Sucuudiga ka leeyahay heshiiska Israel. Aragtidiisa Sucuudi Careebiya ma laha xulasho  laakiin qirashada taag darideeda ku saabsan iska caabinta Iran, sidaas daraadeed waxa ay go’aansatay in ay istaraatijiyad laba daraf ah la  gasho Israel si loo handado Iran.

Sida uu caqliga sheegayo, Sacuudiga waxa ay ka qeyb qaada kartaa heshiisiinta Israel iyo Falastiiniyiinta, laakiin ma sheegin sida ay ku dheceyso! Israel waxa ay diiday qorsheyaasha Carabta ee heshiisiinta Falastiin iyo Israel oo xalkiisu noqonayo dhisidda labada. Haddii si kale loo dhigo, Israel waxa ay raadineysaa saaxiib Cara ah oo ogolaanaya in meesha laga saaro qadiyadda Falastiiniyiinta si ay Israel ugu ogolaato is ballaarin iyo ilaalinta Yuhuuudda iyo dowladooda.

Maxaa ka shisheeya xiriirka la hagaajiyey ee Israel

Gunaanad, Marka laga fiiriyo guulaha iyo khasaaraha, Israel ayaa noqoneysa midda guusha ugu weyn hesha si kasta oo loo hagaajiyo xiriirka dal sida Sucuudi Carabiya u weyn una meeqaab sarreeya.

Ma aaminsani in qorshaha Sucuudiga uu ku jiro ka faa’ideysiga heshiiska in ay uga faa’ideystaan ku qancinta Israel cadiqadda Falastiiniyiinta, oo ah arrin ay aad uga dharagsiin yihiin hoggaamiyeyaasha Israel iyo Sucuudiga.

Maqaalkan waxaa lagu daabacay Mareegaha Al-Sharq 3-dii Agoosto, 2018.
Waxaa Soomaali u bedelay Mohamed Muse Aden (Moh’ed Kaafi).