Khilaaf weyn oo ka dhex qarxay mas’uuliyiinta ugu sareysa gobolka Awdal

Borama (Caasimada Online) ― Waxa dhawaan soo if-baxayey inuu khilaaf weyn uu ka dhex qarxay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Gobolka Awdal.

Khilaafkan ayaa waxa uu ka dhex aloosanyahay Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Badhasaab kuxigeenkiisa, sida uu xaqiijiyey Cabdiraxmaan Nuur Sugaal.

Badhasaab kuxigeenka G/Awdal, Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Boorama ayaa waxa uu xaqiijiyey in khilaaf soo kala dhex-galay Badhasaabka Gobolka Awdal.

Sugaal ayaa sidoo kale waxa uu Badhasaabka ku eedeyay inuu isku dayey inuu lunsado lacago kharashaada oo ay xukuumada Biixi ugu talo-gashay xuskii 18-May ee gobolka Awdal, wuxuuna yiri

“Arrintan maalmahan dambe taagan ee laygu dhaleecaynayay, waxay naga dhaxaysaa aniga iyo maamulka gobolka, halkaas ayuu arrinkayagu ka bilaabmay. Badhasaabku wuxu sheegay inuu lacag ii soo diray oo maayirka aanu isku dirno, aniguna waxan idhi, lacagta aniga ayaa ka masuul ah oo ah maamulkii gobolka ee ii soo dir”.

“Wasiirka arrimaha gudaha ayaan u sheegay, waxay ahayd maalin khamiis ah oo jimce uuni u dhexeeyay maalinta xuska 18-may, wuxu wasiirku igu yiri ‘lacagtii miyaanay ku soo gaadhin?’ Waxaxan ugu jawaabay, maya ima soo gaadhin, markaas buu igu yiri, imika ayay kusoo gaareysaa oo uu la hadlay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Kadib, badhasaabkii oo xanaaqsan ayaa ila soo hadlay oo iigu hanjabay inuu i eryayo, halkuu awoodaa ku leeyahay isagaa sheegi doonee, waan ku eryayaa, waxaad igu ashkataysay wasiirka arrimaha gudaha”.

“Intaas kadib, waxan la hadlay madaxweyne kuxigeenka waxaan u sheegay lacagtii 18-may inaanay isoo gaarin, kadib madaxweyne kuxigeenku wuxu la hadlay badhasaabkii, wuxu ku yiri dir lacagta, lacagtiina way isoo gaartay. Hawshii ugu quruxda badnayd iyo sidii ugu quruxda badnayd ayayna noogu qabsoontay munaasibadda xuska”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com