Qiil loo sameeyay burburka ku yimid ciidanka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadlay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku biiray maamulka Puntland.

Saraakiisha iyo ciidankan u goostay maamulka Puntland ayaa waxay ka soo jeedan Bariga Sanaag, kuwaasi oo ka biyo diiday amar ahaa inay weeraran degmada Badhan.

Mustafe Shiine ayaa waxa uu sheegay inay nasiib-daro tahay in qof Somaliland u dhashay, gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo bur-bur ku yimid ciidanka Somaliland.

Mustafe Shiine ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay mucaaradnimadu aysan aheyn inay u sacabo tumaan bur-bur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo nidaamka dowliga, isagoona xusay inay mar walba ka horeyso Somaliland xifaaltanka siyaasadeed.

Qoraal uu Facebook soo dhigay ayuu Mustafe Shiine, kaga hadlay arrintaasi, wuxuuna ku yiri:

“Waxa aan arkayaa in dadka qaar ay wax weyn u arkayaan saraakiil iyo ciidan ka soo jeeda Bariga Sanaag oo u goostay Maamulka Puntland, kadib markii sida ay sheegeen la amray inay Badhan qabsadaan.

Dadka arrintan walaaca ka muujinaayay waxay u arkayaan in dhaawac soo gaadhay ciidanka qaranka Somaliland

Waa nasiibdaro in qof Somaliland u dhashay gobolka uu doono ha ka soo jeedee uu u riyaaqo burbur ku yimaada ciidanka qaranka Somaliland.

Ciidmada Somaliland waa kuwa suurtogeliyay in gees ka gees ay maanta nabad ahaato oo aanay la daruuf noqon waxa ka dhacaaya jaaarkeeda.

Marnaba cududa ciidamada qaranka Somaliland noqon mayso mid wiiqanta, haddii uu madaxweyne Muuse Biixi amray in la tirakoobo oo lala xisaabtamana waanu soo dhawaynayanaa waa in ciidanka laga dhex waayaa sarkaal ku naaxa caaglayaal aan ummadda u diiwaan gashanayn oo isaga ku kooban.

Maaha inaan mucaaradninada aanu doonayno in maalinta codka loo dareero aanu kursiga ku dhaafino madaxweynaha inay nagaga khaldanto ama ay indhaha na tirto oo aanu u sacaba tumayno burbur ku yimaada ciidanka Somaliland iyo guud ahaan nidaamka dawliga ah.

Maaha ugub in saraakiil deegaankaasi la soo jeedaa ay marna Puntland tagaan marna Somaliland ku soo noqdaan.

Somaliland, ayaa mar walba ka horeysa xifiltanka siyaasadeed “Somaliland first”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com