Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa weli is horfadhiya Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib markii labada maamul ay ka biya diiden inay kala qaadan labada ciidan.
Puntland ayaa ka hortimid inay la baxdo ciidamadeeda waxa ayna soo jeedisay in Heshiiska la tixgaliyo, isla markaana labada ciidan ay kusii nagaadan furumaha dagaalka.
Puntland ayaa ku andacootay inay xaq u leedahay inay difaacato xuduudeeda waxa ayna sidaa darteed ka biya diiday in ciidamadeeda ay kasoo bixiso dhufeysyada xuduuda.
Isfahandarida ayaa ah mid u dhexeysa Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Galmudug, waxaana la soo warinayaa in Galmudug ay aqbashay inay bixiso ciidamadeeda, hayeeshee Puntland ay diiday.
Guddiyada labada dhinac ee loo xilsaaray in ay dhameysiraan heshiiskii Gaalkacyo ayaa sheegay in aysan awood u laheyn in ay kala qaadaan Ciidamada labada dhinac.
Odayaasha Puntland ka soo jeeda ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay bartooda ku sugan yihiin, isla markaana ay joogaan xerooyinkooda.
Dhinacyada loo xil saaray xalinta Colaada iyo kala qaadista labada ciidan ayaa bilaabay deyr, waxa ayna arrintaani ka muujiyeen walaac.
Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid degan waxaana wali socda dadaalo lagu kala qaadaayo labada ciidan.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

