Kiisaska Coronavirus ee Puntland oo korodhay

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Puntland, Dr Jamac Farax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka deyriyay xaalada Coronavirus ee deegaanada Puntland, xili ay korortay tirada kiisaska ee maamulkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland uu kordhay cudurka Covid-19, tan iyo horaantii sanadkan cusub ee 2021-ka, wuxuuna walaac xoogan ka muujiyey xaalada magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo

Waxa uu xusay haddii xaalada ay kasii darto sida ay hadda tahay, islamarkaana uu si weyn usii faafo cudurkaan ay ku qasbanaan doonaan inay soo rogaan amaro culus oo lagu xakameynayo is-dhex-galka bulshada iyo goobaha dadweynaha.

Sidoo kale waxa uu faray shacabka inay kor u qaadaan taxadarka, iyagoo isticmaalaya waxyaabaha looga hortagayo cudurkaan sida; Af-xirka, kala fogaanshaha iyo yaraynta isku imaatinka aan muhiimka ahayn, wuxuuna faray qofkasta oo iska shakiya inuu tago xarumaha baaritaanka.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu ku booriyey in la qaato tallaalka Covid-19 oo muddooyinkii dambe qaadashadiisu ka socotay deegaanada maamulka Puntland, si ay uga bad-baadiyaan naftooda, isagoo hoostana ka xariiqay in wajiga koowaad ee tallaalkan loogu tala-galay inay qaataan dadka waaweyn ee la nool xanuunada kala duwan, shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo ciidamada amaanka.

Puntlanad ayaa kamid ah maamulada dalka ee uu sida weyn ugu soo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, kaasi oo labadii bilood ee u dambeeyay dad badan ugu geeriyoodeen gudaha dalka.