Xog: Isbitaalka Keysaney ee Muqdisho oo wajahaya cabsi amni oo xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 5 jeer dhac xoog leh loo geestay dhaqaatiir iyo gaadiidka gurmadka deg degga ah (Ambulance) ee Isbitaalka leeyahay.

Maamulka Isbitaalka ayaa shesgay in falkii ugu dambeeyay loo geestay maalin ka hor gaari Ambulance ah oo ka baxay Isbitaalka iyo shan dhaqtar oo la socotay.

Dadkaan ayaa laga qaatay lacago, moobeelo iyo agabyo kale. Gaariga ayaa jidka loo galay xilli barqo ah isagoo doonayay in uu soo qaado qof xanuunsan oo u baahnaa gargaar deg deg ah.

Isbitaalka Keysaney oo ku yaalla degmada Kaaraan ayaa sidoo kale waxaa jidka loo galaa dhaqaatiirta iyo dadka usoo adeeg doonto Isbitaalka.

Dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka ayaa caddeeyay in aysan sidii wadi karin shaqada, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Kooxaha dhaca geesta ayaa la sheegay in ay si cabsi la’aan ah u joogaan waqooyiga Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa toddobaadyadii tegay ku badnaa dhaca ay gaysanayaan ciidamada dowladda, waxaana sababta lagu sheegay xaaladda siyaasadeed ee cakiran iyo qaar ka mid ah ciidanka oo aan qaadan mushahar.