Kiisaska CORONAVIRUS ee Somaliland oo kordhay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta shaacisay inay korodhay tirada Kiisaska Coronavirus ee laga helay gudaha deegaanadeeda.

Somaliland ayaa sheegtay in Kiisaska deegaanadeeda uu maanta kusoo kordhay 1-Kiis, midaasi oo tirada Kiisaska guud ee Somaliland ka dhigeysa 6-Kiis, halka guud ahaan dalka oo dhan ay ka dhigeyso 136-Kiis.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in hal qof oo kale uu ka bogsaday cudurka, iyada oo sidoo kale sheegtay in dad cusub oo looga shakisanaa cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus ama Covid-19, ay dheecaanadooda u dirtay dalka dibadiisa si loo soo baadho.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland, Dr Maxamed Xergeeye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 11-qof oo looga shakiyay cudurkaasi ay u direen dibeda, inkasta oo uusan si cad u sheegin wadanka lagu soo baadhayo, isagoona xusan inay soo bandhigi doonaan natiijada.

Waxaana xusid mudan in Somaliland dhowaan uu soo gaadhay qalabka lagu baadho cudurka Coronavirus, iyada oo aan la ogeyn sababta kaliftay inay natiijada ka sugaan sheybaaro dalka dibediisa.

Dr Maxamed Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyey tirada guud ee Somaliland ay ka baadhtay cudurkaasi, kuwaasi oo kasoo gudbay xuduuda dhuleed ee ay Somaliland la wadaagto wadamada dariska iyo madaarka Hargeysa.

Xergeeye ayaa sheegay in dad ku dhow Labo kun oo qof oo kasoo gudbay xuduuda dhulka ay ka baadheen cudurka Coronavirus, halka 150-qof oo kale oo kasoo dagay madaarka Hargeysa ay iyagana ka baadheen cudurkaasi.

Agaasimaha ayaa ugu dambeyntiina ka dhawaajiyey inay dhowaan bulshada dhexdeeda ay ka baadhi doonaan cudurkaasi, midaasi oo soo if-bixineysa hadii ay jiraan Kiisas ku dhex qarsoon bulshada oo aysan ogeyn wasaaradu.

Somaliland ayaa la daala dhaceysa ka hortaga cudurka Coronavirus, xili ay dhaleeceyn kala duwan kala kulmeyso Siyaasiyiinta iyo bulshada reer Somaliland, maadama aysan qaadin talaabooyin adag oo looga hortagayo faafitaanka cudurkaasi.

Deegaanada Somaliland ayaa guud ahaan waxa laga xaqiijiyey 6-Kiis oo cudurka Coronaha ah, kuwaasi oo laga kala helay magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco.