Kiisaska cudurka Covid-19 ee gudaha Somaliland oo maanta markale kordhay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa maanta markale shaacisay inay sare u kaceen Kiisaska cudurka Coronavirus/Covid-19 ee deegaanadeeda, xili uu si weyn ugu sii faafayo cudurkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa warbixintii maalinlaha aheyd ku sheegay inay soo kordheen 24-kii saac ee u dambeeyay 16-Kiis oo hor leh, kuwaasi oo kamid ahaa dad badan oo laga baaray cudurka Coronavirus.

Dadkaasi laga helay cudurka ayaa Agaasimuhu ku sheegay inay kala yihiin 8 Rag ah iyo 8 Dumar ah, waxayna intooda badan ku sugan yihiin magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Lix iyo tobanka qof ee cudurka laga helay ayaa hal qof waxa uu u dhasahay dalka Itoobiya, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin reer Somaliland.

Waxaana dadkaasi laga helay cudurka Covid-19 lagu sheegay inay da’doodu u dhaxeyso 30-sano jir ilaa 90-Jir.

Mana jirin wax dhimasho ah oo uu 24-kii saac ee u dambeeyay uu sababsaday cudurkaasi.

Tirada guud ee cuduruka Koronaha ee gudaha Somaliland ayaa gaadhay 103-Kiis, halka 8-ruux ay ka bogsadeen cudurka, iyada oo ay u geeriyoodeena 8-qof oo hor leh, ilaa inta la ogyahay.