Madax muuqda iyo middi saawira midna lagama samro

By AHMED KARATE

Qeybtii labaad

  1. Sida caadadu tahay, shirarka dib-u-heshiisin kasta waxaa lama huraan ah in, darafyada heshiiska la dhex dhigayo ka sokow, goobjoog ka ahaadaan culumaaudiinka, hase yeeshee ayaandarro shirkaas dib-u-heshiineed culumadii ka qaybgashay mid kasta wuxuu ku biiray beesha uu ka tirsan yahay intii uu ku adkaysan lahaa inuu uga qaybgalo ka culumo ahaan kana madax bannaan darafyada la heshiisiinayo. Waxaan shaki ku jirin in goobtaas doorka culumaa u- diinka ay fursad qaali ah ku seegay, taasoo ilaa maanta ku sifoobay kuwo aan ka tarjumayn doorka ku habboon inay ka qaataan bulshada dhexdeeda.Waxaa iga xusuus ah in dawladihii iyo hay’adihii hormuudka u ahaa shirkii dib-u-heshiisiinta, iyagoo ka baxsan in Somaalidu si gaar ah xushmeeyaan diintooda iyo culumadooda, waxay u arkeen halis weyn oo ka horimaan kara hadafkooda, waxayn ku adkaysteen in shirka lagu heshiisiinayo beelaha Somaaliyeed ee aan meesha laysku haysan khilaaf diineed, loona baahnayn culumaa-u-diin. Intii ay ku adkaysan lahaayeen inay shirkaas uga qayb galaan iyagoo matalaya Culumaa-u-diinka ayey ka door bideen in mid kasta uu ku dabafaylo qabiilkiisa. Su’aasha imaanaysa ayaa mar kasta ah: Culumaa-u-diinku waxay siyaabo iyo dano badan ugu milman yihiin siyaasadda Somaaliya, sababata ay waqtigaas u oggolaadeen in la ihaaneeyo oo la heeb sooco? Dunida oo dhan, Culumaa-u-diinku ma laha qabiil midab  iyo toona.
  2. Shan iyo tobankii u dambeeyey, waxaan fursad u helay inaan ka qaybgalo dhowr aqoon is weydaarsi lagu qabtay Yurub sona diyaariyeen dawlado iyo hay’ado daneeya arrimaha Somaaliya. Inkastoo anigu fursado qaali iigu muuqdeen, haddana waxaan weligay iloobayn saddex su’aaladood oo siyaasiyiin iyo khubaro shirarkaas ka qaybgalay oo runtii igu noqday “laf dhuun gashay”, kuwaasoo ahaa:

b – Shirarka Dibu-heshiisiinta faraha badan oo loo qabanayo Somaaliya waxaa ka so qaybgala qaybaha kala duwan ee Somaalida oo dhan. Yaa la heshiisiinayaa, maxaysa ku dagaashan yihiin? Ma qabaa’ilka Somaalida oo dhan ayaa dagaashan?

t –   Somaaliya waxay qaadatay nidaamka “Federalism”. Waxaan ogsoon nahay in Somaalidu ku caan tahay shacab wadaaga jinsi, luqad, diin iyo dhaqan keliya, waa maxay falsafadda ka dambaysa go’aankaas?

 J –  Somaaliya waxaa lagu tilmaamaa in dadkeedu 100% muslimiin Sunni yihiin. Waa maxay sababta Culumaa-u.diinku door wax-ku-ool ah uga qaadan la’ yihiin dadaallada la xiriira dib-u-heshiisiinta Somaalida?

Haddaba, waxaan hubaa in su’aalooyinka kor ku xusan ay aad u adag yihiin in laga bixiyo jawaab waafi ah la garowsan kara ama lagu qanci karo.

RAMADAAN KARIIM 

La soco qaybaha soo socda, Insha Allah.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid