Soomaaliya oo loo ansixiyey lacag 137 milyan oo dollar oo ah gargaar deg deg ah

Washington (Caasimada Online) – Guddiga Agaasimayaasha Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag dhan 137.5 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya, si ay uga jawaabto ugana soo kabato dhowr dhibaato oo dalka ka socda.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka, waxaa dhibaatooyinkaas ka mid ah abaar sanado badan jirtay, Ayax soo habsaday oo halis ku ah cunnadii, iyo cudurka COVID-19 oo ugu darsamay.

Lacagta uu ansixiyey Bankiga Adduunka ayaa qeyb ka ah barnaamij loogu magac daray Mashruuca Ka-Jawaabidda Xasaradaha Soomaaliya Somalia Crisis Response Project (SCRP), waxaana uu kaalmo deg deg ah siin doonaa meelaha ay dhibaatada ugu xooggan saameysay.

Waxa uu sidoo kale xoojin doonaa nidaamyada dowladeed iyo awoodda ay ugu diyaar garoobi karaan musiibooyinka.

“Xasarado soo noq-noqday oo sii kordhahaya islamarkaana burbur leh ayaa is-hortaagaya fursadaha ay Soomaaliya uga bixi karto jilicsanaanta iyo saboolnimada,” waxa sidaas yiri agaasimaha Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Felipe Jaramillo.

Mashruucan ayaa waxaa si deg deg ah uga faa’iideysan doona 1.7 milyan oo Soomaali ah, gaar ahaa kuwa ugu baylahan bulshada oo qaarkood heli doona lacag kaash ah, sida uu sheegay Jaramillo.

20 milyan oo lacagta ka mid ah ayaa waxaa lagu maal-gelin doonaan dadaallada ay Soomaaliya kaga jawaabeyso cudurka COVID-19.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa sheegay in mashruuca uu ka taageeri doono hoggaanka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada inay xaqiijinayaan soo kabasho xooggan oo la joogteyn karo oo looga baxo dhowr xasarad oo kala duwan.