Maamul goboleeda kasoo horjeeda Axmed Madoobe oo looga dhowaaqayo Gedo

Mudisho (Caasimada Online) – Kadib markii ay heshiis gaareen hoggaankii is-bedel doonka Jubbaland iyo madaxweyne Axmed Madoobe waxaa laba garab u kala jabay golihii ku bahoobay isbedel doonka Jubbaland oo si wadajir ay u hoggaamin jireen Cabdirashiid Xidig, Cabdinaasir Seeraar iyo xubno kale.

Caydaruus Axmed waxa uu ka mid yahay garabka isbedel doonka Jubbaland ee kasoo hor jeestay heshiiskii ka dhacay magaalaad Nairobi ee u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo ragii hoggaanimayey golaha isbedel doonka.

Caydaruus oo jooga gobolka Gedo ayaa waxa uu sheegay in meel gaba-gabo ah uu u marayo qorshe ay maamul cusub ugu dhisayaan gobolka Gedo, oo haatan ay maamusho dowladda federaalka.

“Qaar kamid ah isbedel doonka Jubaland, waxaad maqasheen Axmed Madoobe ayey heshiis la qaateen, wax cad oo hadda ay ku heshiiyeena nalooma soo bandhihin, maamulka gobolka Gedo waxa ay ku dhawaaqeen in la dhisayo jubaland loo dhanyahay, oo gogol nabadeed ay fidinayaan, taas ayaana wax ku leenahay” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan isbedel doonka Jubbaland.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Isbedel doonkeena waxan qabnaa in aan ka qeyb galno gogoshaas nabadeed, ee la dhigay gobolka Gedo, hadii Axmed Madoobe uusan ka tanaasulin mowqifkiisana Jubbaland meesha ugu weyn awelba waxay aheyd gobolka Gedo iyo Bu’aale oo hada wax ka yar 20 KM loo jiro shacabkuna way tashanayaan, hadii Axmed noqday qab-qable xoog ku heysta dadka.”

Agoosto 2019-kii markii dib loo doortay markiisii seddaxaad madaxweyne Axmed Madoobe waxaa aas aasmay gole isbedel doon oo ay kala hoggaaminayeen Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah golaha shacabka iyo siyaasi Cabdinaasir Seeraar, kuwaas oo midba dhankiisa madaxweyne u sheeganayey, balse sheeda kore ayey iska ilaashanayeen, iyagoo ka mideysnaa diidmada qorshaha siyaasadeed ee Axmed Madoobe.

Hase yeeshee 16-kii bishii Abriil ee sanadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa heshiis dhaqan galay ku kala saxiixday madaxweyne Axmed Madoobe iyo hoggaanka xubnihii kasoo hor jeeday ee isbedel doonka, oo kala ahaa Cabdirashiid Maxamed Xidig, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Sheekh Daahir, kadib bilo wadahadal uu uga socday Nairobi, waxaana la aaminsanyahay in heshiiskaas ay gar wadeen ka aheyd dowladda Kenya.

Intaas kadib waxaa heshiiskaas ku gacan seyray qaar kamid ah siyaasiyiintii xubnaha ka aheyd golahii ku bahoobay isbedel doonka Jubbaland, kuwaas oo hadda u muuqday in abaabulkooda ka dhan ah diidmada maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ay u weeciyeen gobolka Gedo oo ka baxay gacanta Jubbaland, isla markaana ay si buuxda uga arimiso dowladda federaalka.

Halkan ka dhageyso codka Caydaruus Axmed xubin ka tirsan isbedel doonka Jubaland