Xog: Arrin cusub oo kusoo korortay khilaafka Saciid Deni iyo Axmed Karaash

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ka socda dadaallo xal loogu raadinayo khilaaf xoog leh oo ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayuu khilaafkoodu banaanka u soo baxay kadib markii xaafiiska Madaxweyne Deni 14-kii bishan ay kasoo baxday dikreeto uu ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland.

Axmed Karaash ayaa ku adkeystay in madaxweynuhu uusan kala tashan magacaabidda taliyeyaashaas, isagoo soo saaray isla maalintaas digreeto uu ku burinayo tii madaxweyne Deni.

Siyaasiyiin, xubno ka tirsan goleyasha Puntland iyo isimada dhaqanka ayaa ku soo baxay khilaafka ka dhex qarxay labada masuul, waxayna haatan ku howlanyihiin xalinta khilaafkaas, sida ay sheegeen xubno qeyb ka ah waan-waanta socota.

Dhinacyada ku howlan xal u helidda khilaafka Deni iyo Karaash weli u ma suurta gelin sida aan xogta ku heleyno inay isisoo hor fariisiyaan, balse waxa ay sheegeen in midba mar ay kula xariireen teleefoon, si ay ugu qanciyaan waan waanta socota.

Xubnaha isugu jira siyaasiyiinta iyo isimada ee ku howlan dhameynta khilaafkaas waxa ay sheegeen in Puntland aysan maanta xamili karin khilaaf miisaanka intaa dhan leh, iyadoo ay xusid mudantahay in Puntland ay safka hore uga jirto gobollada dalka ee faraha ba’an ay ku hayaan cudurka Coronavirus iyo Ayaxa ka dilaacay Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira xaalado ba’niaadanimo oo ka dhashay daadad ku rogmaday magaalada Qardho ee gobolka Bari, waxaana weli gurmad u baahan dadkii ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobkan Guga, iyadoo meelaha qaar laga cabsi qabo inay ku dhuftaan daadad hor leh.

Inta badan siyaasiyiinta reer Puntland ayaa qaba in iyadoo la fiirinayo caqabadahaas aysan Puntland xamili karin khilaafka soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ah hoggaankii ugu sareeyay maamulka, waxayna ku dadaalayaan dhameynta khilaafkaas.