Konteenar saanad ciidan sida oo lagu qabtay dekedda magaalada BERBERA

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Waxa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada ay ku kulmaan aad loogu hadal hayey oo la isla dhex wareegayey, warar sheegaya in dekedda Berbera lagu qabtay Konteenar saanad ciidan ah.

Arrintan ayaa waxaa si rasmi ah u xaqiijiyay Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax, isagoona sheegay in uu tagay dekedda Berbera, isla markaana uu soo xaqiijiyay in Konteenarkaasi la qabtay oo gudaha dekedda yaalo.

Xoghaye Ramaax ayaa sheegay in weligeed aysan gudaha Somaliland ka dhicin in lagu arko inuu qof shacab ah uu soo dejiyo saanad ciidan, markaana Xukuumada looga baahanyahay inay talaabo ka qaado.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax, oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “In horta saanad ciidan lagu arko qof shicib ah oo soo dejinaya weligeed may dhicin”.

“Hadday dhacdana xukuumadda ayaa weligeed la wareegi jirtay, way dhacday gobalka Sanaag markii aan joogay oo dad is yidhi ka ganacsada xukuumadda la wareegtay, waad ogaydeen oo kuwii ku xidhxidhnaa wixi lagu eryanayay waxay ahayd saanad ciidan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Sharciga hala mariyo, waanan soo hubiyay oo waan tagay dekeda oo wuu jiraa konteenarkaasi, mana aha inay dadku ka hadlaan ee waa in ciidanku toos ula wareegaa”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa