Ciidamo Beleed weerar ku soo qaaday Boosaaso iyo dagaal qaraar oo dhacay

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo iska soo horjeeda ku dagaallameen Koontaroolka laga galo Magaaladaas.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii askarta ilaalada Koontaroolka ay u diideen ciidamadan inay galaan magaalada Boosaaso; kadibna rasaas ka dhex bilaabatay labada ciidan ayaa keentay inuu ku geeriyoodo taliyihii Koontaroolka Boosaaso oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Guduudoow sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laga helay.

Ciidamadaan gadoodsan ee doonaya inay gudaha u galaan Boosaaso ayaa la sheegay inay ka gadoodsanyihiin khilaaf iyo muran xoogan oo hareeyay Shirkad lagu magacaabo PDG oo caawisa ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciidamada isku horfadhiya Boosaaso ayaa mararka qaar isku ridaya rasaas iyadoona qeyb kamida hubka ay isku adeegsanayaan laga maqlayo qeyb kamida duleedka magaalada.

Ciidamada loo diiday inay galaan magaalada ayaa wararku sheegayaan inay u abaabulan yihiin qaab beeleed, iyadoo uu wato nin lagu magacaabo Ciise Yulux.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ku dhinteen ilaa 5 qof oo labada dhinac ah; iyadoo ay weli is hor fadhiyaan labada ciidan.

Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in labada Ciidan ay gurmad ka kala helayaan labada Magaalo, waxaana wali kacsan xaaladda degaankaas.

Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com