28.1 C
Mogadishu
Friday, April 10, 2026

Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa dagaalka lagu qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafka culus ee hadda bannaanka usoo baxay ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo si weyn looga dareemay Muqdisho iyo Baydhaba.

La-taliyaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhanka Warbaahinta Professor Xaayow oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si toos ah dowladda dhexe ugu eedeeyay inay ku lug leedahay dagaallada kasoo cusboonaaday deegaanno ka tirsan maamulkaasi oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan ciidanka mucaaradka ee la baxay ‘Badbaada Koonfur Galbeed’ kana soo horjeedo Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Pro. Xaayow ayaa sheegay in xubno wasiirro ah oo ka tirsan dowladda ay abaabuleen maleeshiyaad deegaanka ah, ayna hub iyo lacag ku siinayaan in xasilooni darro ay ka abuuraan Koonfur Galbeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Sheekadu wxaa weeye wiilashii deegaankan u dhashay oo la abaabulay, ayna abaabuleen wasiiro ka tirsan DFS, iyada oo lacag lagu laaluushay, si ay carqadeeyaan nabadda iyo amniga Koonfur Galbeed” ayuu yiri Prof. Xaayow.

Waxaa kale oo uu ku daray “Waxaa kamid ah wasiirradaas wasiirka xanaanada xoolaha Xasan Eelaay, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waa wax bannaanka yaalla oo ma qarsoona, Soomaaliduna way wada ogtahay”.

La-taliye Xaayow oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in hubka la geeyay Baydhaba iyo degmooyinka kale la dhex marsiiyay Al-Shabaab, isaga oo su’aallo dhanka amniga ah iyo shaki wayn ka muujiyay arrintaasi.

“Maxaa hubka iyo adduunka Xamar laga keenay waddada nabad kusoo marsiiyay?, maxaa 200 oo KM oo Shabaab joogo soo dhex marsiiyay?”. ayuu mar kale yiri la-taliyaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Warbaahinta.

Isku dhaca labada dhinac ayaa durbaba furin cusub ka dhex furay dagaalka siyaasadeed ee dalka ku baahsan, kaas oo salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Xasaraddan cusub ayaa sidoo kale ku soo beegantay maalmo uun kadib markii baarlamaanka federaalku uu 5-tii bishan Maarso ansixiyay qodobbo dastuuri ah oo lagu muransan yahay, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay isla 8-dii Maarso, si ay u noqdaan xeer rasmi ah.

- Advertisement -

Read more

Local News